KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dowladda ayaa shaacisay in ay dhawaan bilaabeyso Mashruuc lagu aruurinayo Hubka Sharchi darada ah ee daadsan Magaalada Muqdisho, waxeyna sheegtay in ay Howlgalkaas ka bilaabeyso Suuqyada Magaalada Muqdisho.
"Si aan u xaqiijin karno Amniga Dalka, waa in aan markii hore Hubka Sharci darada ah aruurino"
Kulankii Golaha Wasiiradda ayaa Shalay looga dooday Mowduucaan, waxaana la sheegay in Muhiimada ugu weyn ay tahay in Hubkaas laga ariiriyo Shacabka.
Amniga Caasimada Dalka ayaa maalmihii u dambeeyay kasii darayay, waxaana Magaalada Muqdisho iyo Agagaarkeeda ka dhacayay falal amni darri oo liddi ku ah Dowladdda Soomaaliya iyo xaasiloonida Muqdisho.
Waxaa Weerarkii ugu dambeeyay uu Shalay ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu dhaawacay Ganacsade Xuseen Goleey oo si weyn looga yaqoono Muqdisho iyo 3 Ruux kala oo mid kamid ah ay haeyd Haweeney kadib markii Gaariga Ganacsade Xuseen Goleey uu watay Qarax Miino lagula eegaty Gudaha Suuqa Bakaaraha.
Wararka Keydmedia Online soo gaaraya ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada ay isku fahmi waayeen Qaabka Hubka looga qaado Shacabka.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.