IGAD oo war kasoo saartay Rabshadihii Muqdisho

Urur goboleedka IGAD ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray rabshadihii ka dhacay shalay magaalada Muqdisho, kuwaasoo lagu rasaaseeyay midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
IGAD oo war kasoo saartay Rabshadihii Muqdisho

DJIBOUTI, Jibouti - Urur goboleedka IGAD ayaa war kasoo saaray rabashadihii ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasoo Hotel -ladii ay dagganaayeen lagu weeraray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kalena lagu rasaaseeyay qaar kamida midowga musharaxiinta madaxweynaha oo bannaanbax nabadeed ka waday waddada garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Urur goboleedka IGAD oo ay ku mideysan yihiin dalalka Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan & Uganda ayaa  ku baaqay in dhinacyada isku haya doorashada ay sii wadaan wada-hadallada, si xal loo gaaro. IGAD waxa ay cambaareysay shaqaaqooyinkii shalay, illaa habeen hore ka dhacay muqdisho, waxa ayna muujisay in aad uga xuntahay rabshadahaasi,

IGAD ayaa sidoo kale sheegtay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeo deganaashiyaha dalka iyo xasiloonida guud ahaan Soomaaliya.

Halkan hoose ka akhriso warka kasoo baxay Urur goboleedka IGAD:

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.