Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay hanjabaaddii McCarthy

Hadalka xildhibaan Ilhaan ayaa waxaa ka dhashay muran badan islamarkana waxaa u jawaabay qaar ka mid ah xubna ay ka wada tirsan yihiin Aqalka Congreska oo iyagu ka carooday in ay Israa'iil iyo Mareykanka la barbar dhigtay kooxaha Taliban iyo Xamaas.

Warar Keydmedia Online
Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay hanjabaaddii McCarthy

WASHINGTON - Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa u jawaabtay Hoggaamiyaha Aqalka Laga Tirada Badan Yahay ee Mareykanka, Kevin McCarthy, kaddib markii uu mar kale ku hanjabay inuu ka saari doono Guddiga Arrimaha Dibadda, isagoo ku eedeeyay “inay dhowr jeer cambaareysay Israa'iil iyo Mareykanka.”

McCarthy, oo doonaya in bisha January uu noqdo Afhayeenka Aqalka, ayaa hanjbaaddan ku celceliyay dhowr jeer.

“Dadaallada McCarthy ee uu igu beegsanayo si xushmad darro iyo nacayb ah — ayna ku jiraan inuu iigu hanjabo inuu iga saarayo guddiga — kama tarjumayaan arrimaha ay la tacaalayaan codbixiyeyaasheenna,” ayay Ilhaan ku tiri warsaxaafadeedkeeda.

“Ka warran haddii ay sababto cabsi iyo nacayb ka dhan ah Soomaalida Ameerikaanka ah iyo qof walba oo isirka ila wadaaga, ayna ina sii kala qeybiso,” ayay intaa raacisay. “Waa olole socda oo looga soo horjeedo codadka Muslimiinta iyo Afrikaanka, dadka xisbigiisa ay isku dayayeen inay mamnuucaan tan iyo markii ugu horreysay ee uu talada xafiiska qabtay Donald Trump.”

“Ma joojin doono u dagaallanka siyaasadaha bani’aadannimada leh ee sinnaan iyo caddaalad ay ku dheehan tahay. Ma joojin doono inaan u ololeeyo nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee daafaha dunida. Mana joojin doono inaan u dagaallamo Mareykanka oo aan dadka ku beegsaneynin isirkooda ama diintooda.” Ayay tiri.

Bishii January ee sanadkii hore, McCarthy ayaa codsaday in saddex xildhibaan oo ka tirsan Dimuqraadiga laga saaro guddiyada ay ku jiraan haddii uu Jamhuurigu mar kale qabsado hoggaanka Aqalka ayna isaga u doortaan afhayeen.

Xildhibaannadaas waxay kala yiihiin Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Guddiga Arrimaha Dibadda, Eric Swalwell iyo Adam Schiff, oo ka tirsan Aqalka Guddiga Sirdoonka.

Qoraal uu barta Twitter-ka soo dhigay ayuu Kevin ku sheegay in Ilhaan ay neceb tahay Israa'iil.

"Sanadkii la soo dhaafay, waxaan ballan qaaday in marka aan noqdo afhayeen, aan Ilhaan Cumar ka saari doono Aqalka Guddiga Arrimaha Dibadda anoo ku saleynaya hadalladeeda Israa'iil nacaybka iyo Mareykan nacaybka ah. Waan fulinayaa ballantaas." Ayuu yiri.

Bishii June ee sanaddii 2021 ayaa waxa ay Ilhaan Cumar si kulul u weerartay xukuumadda Israa'iil iyo waliba Mareykanka.

Ilhaan ayaa si kulul uga hadashay weerarrada ay dadka ku dhintaan ee ay Israa'iil ka geysato Daanta Galbeed iyo waliba kuwa uu Mareykanka ka gaystay qaar ka mid ah dalalka Islaamka.

Xilligaasi waxay barteeda Twitterka ku soo qortay "Waxaan aragnay gumaadka aan la malayn karin ee ay gaysteen Mareykanka, Xamaas, Israa'iil, Afgaanistaan, iyo Taaliban.

"Waa inaan u helnaa isla xisaabtan iyo caddaalad dhammaan dhibanayaasha xadgudubyada ka dhanka ah aadanaha," ayay qortay, xilli ay su'aalo waydiinaysay Xoghayaha Arimaha Dibadda Anthony Blinken intii lagu guda jiray dhageysiga Guddiga Aqalka Wakiillada.

Hadalkeeda ayaa xilligaas ku soo beegmay toddobaadyo uun kadib markii dagaalkii u dhaxeeyay Xamas iyo Israa'iil lagu soo afjaray xabdad joojin.

Hadalka xildhibaan Ilhaan ayaa waxaa ka dhashay muran badan islamarkana waxaa u jawaabay qaar ka mid ah xubna ay ka wada tirsan yihiin Aqalka Congreska oo iyagu ka carooday in ay Israa'iil iyo Mareykanka la barbar dhigtay kooxaha Taliban iyo Xamaas.

Sannadkii 2019-kii, waxay sidoo kale Ilhaan raalli-galin ka bixisay hadal ay sheegtay oo ahaa in siyaasiyiinta u janjeera Israa'iil ay lacag sabab u tahay taageeradooda Israa'iil.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa bishii April ee 2019 boggiisa Twitter-ka ku qoray 'hadal jeejees ah' oo uu ula jeedo Ilhaan Cumar.

Xilli uu jeedinayay khudbad ayaa ka hor inta uusan billaabin waxaa uu yiri "Oh waan ilaaway illeen Ilhaan Cumar Israa'iil ma jecleyn, waan ka xumahay. Maya Israa'iil iyadu ma jecla, miyey jeceshahay? Fadlan waan ka raalli gelinayaa."

Trump ayaa mar waxaa uu Ilhan Cumar ugu baaqay inay iscasisho ama ay isaga baxdo Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Kongres-ka.

Ilhaan ayaa ugu jawaabtay "Waxaad la timid naceyb waligaaba kuugu jirtay oo aad u qabto Yuhuuda, Muslimiinta, muhaajiriinta, dadka madowga iyo dadka loogu yimid Mareykanka, waxaan wax ka bartay dad hadalkeygu uu noolashoodu saameeyay ee adigu goormaad wax ka baran?". Sidaasi waxaa xilligaas barteeda Twitter-ka ku qortay Ilhaan Cumar.

Isha BBC

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.