Ilyaas Gaboose oo noqday Senator-kii ugu horeeyay oo la doorto

Waxuu ahaa siyaasi kasoo mid noqday Dowladda C/llaahi Yuusuf, isagoo la sheegay inuu xriiri dhaw la leeyahay Axmed Madoobe oo usoo noqday gudoomiyaha gobolka Jubada Hoose.

Warar Keydmedia Online
Ilyaas Gaboose oo noqday Senator-kii ugu horeeyay oo la doorto

KISMAAYO, Soomaaliya - Ilyaas Badal Gaboose ayaa noqday Senator-kii ugu horeeyay oo loo doortay Aqalka Sare ee cusub, iyadoo Jubaland oo ahayd meesha ugu khilaafka badan doorashada ay billowday codbixinta.

Ilyaas waxaa la tartamay Maxamed Axmed Sayid, oo ahaa Musharax maqaar-saar ah, iyadoo uu jiray Shaqsi 3aad oo kula qornaa Kursigan kaasoo isaga haray tartanka.

Musharax Ilyaas Badal ayaa helay 55 cod, halka Maxamed uu ku guuleystay 17 cod, waxaana hallaabay hal cod, oo kamid ah 73 Xildhibaan oo codeysay.

Waxaa hadda la guda galayaa doorashada Kursiga 2aad, iyadoo maanta Jubbaland ay dooranayso afar kursi, oo kamid ah 8 Kursi oo ay ka heshay Aqalka Sare.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.