Imaaraadka oo helay furihii kusoo-celin lahaa xiriirka Soomaaliya

Safiirka Imaaraadka Maxamed Axmed Cuthmaan, oo Garoonka ku gudoonsiiyay Rooble gargaarka, ayaa sheegay in dowladii ay caawinaysaa dadka abaarta saameysay Koonfurta dalka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Imaaraadka oo helay furihii kusoo-celin lahaa xiriirka Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Qofka in uu baahan oo duruuf haysato, adna aad caawin karto, waa fursad aad ku kasban kartid qalbigiisa iyo kalsoonidiisa. Taasi waxaa sameynaya Imaaraadka, oo 3 sano kadib dib kusoo laabanaya saaxafad Soomaaliya.

Bishan horaanteedii wuxuu Imaaraadka Garoonka Muqdisho kasoo dejiyay diyaarad siday gargaar bini’aadanimo, kaasoo uu ka gudoomay Ra’iisul Wasaare Rooble, oo wehliyeen dhowr wasiiro ah, oo mahadnaq iyo amaan roob uga dhigay Xukuumadda Abu Dhabi.

Safiirka Imaaraadka Maxamed Axmed Cuthmaan, oo Garoonka ku gudoonsiiyay Rooble gargaarka, ayaa sheegay in dowladii ay caawinaysaa dadka abaarta saameysay Koonfurta dalka Soomaaliya.

Imaaraadku wuxuu adeegsadaa 'diblomaasiyad bini'aadantinimo' si uu u hagaajiyo xayndaabkii ku wareegsanaa xiriirkii uu la lahaa Soomaaliya, oo uu Farmaajo xumeeyay, isagoo ku qancinaya Qatar.

Sannadkii 2018-kii, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya [NISA] ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku qabatay saddex shandadood oo ay ku jireen in ka badan 9.6 milyan oo doollarka Maraykanka ah, taasi oo lagu keenay diyaaradda Boeing 737/700 ee ay maamusho shirkadda Royal Jet ee Imaaraadka laga leeyahay.

Rooble ayaa maalmo kahor raali-gelin rasmi ah ka bixiyay qabashada lacagtan, isagoona balan qaadey in lagu celin doono dalkii laga lehaa, ee Imaaraadka, waxaana uu amar siiyay gudoomiyaha bangiga Dhexe.

Farmaajo ayaa isla durbadii kasoo daba saarey Rooble amar kale oo Gudoomiyah bangiga Dhexe ku farayo inuusan bixin karin lacagta, oo Xafiiskiisa sheegay in si sharci-saro ah dalka kusoo gashay.

Safiirka Imaaraadka ayaa u arka dagaalka labada mas’uul fursad aad u wayn, maadaama ay noqonayso dhamaadka xukunka Farmaajo, oo mudadii uu jiray Qatar u gacan-geliyay siyaasadda Soomaaliya.

Hadda Imaaraadka wuxuu xiriir dhaw la sameystay Rooble, oo ah shaqsi dagaalka kala dhaxeeya Farmaajo, oo rab inuu soo celiyay xiriirka dalalkii Khaliijka ee horey Villa Soomaaliya u xumeysay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.