IMF oo shaacisay qiimeynta barnaamijka ECF

IMF ayaa ku ammaantay DF hirgelinta dib u habeynta hannaanka Maaliyadda si kor loogu qaado dakhliga waxayna soo jeediyeen in dadaal dheeri ah la galiyo canshuuraha iyo dib u habeynta maamulka sida; casriyeynta kastamka iyo sharciga canshuurta.

Warar Keydmedia Online
IMF oo shaacisay qiimeynta barnaamijka ECF

MUQDISHO, Soomaaliya -  Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixinta qiimeynta barnaamijka ECF ( Extended Credit Facility) ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo geedi socodka Deyn Cafinta.

IMF ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka ay ka gudubtay dhammaan sharuudaha loo dajiyay in lagu hormariyo hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya ee loo yaqaano ECF kaas oo sidoo kale ah hannaan lagu hago arrimaha Deyn Cafinta.

IMF ayaa ku ammaantay DF hirgelinta dib u habeynta hannaanka Maaliyadda si kor loogu qaado dakhliga waxayna soo jeediyeen in dadaal dheeri ah la galiyo canshuuraha iyo dib u habeynta maamulka sida; casriyeynta kastamka iyo sharciga canshuurta.

"Wadatashigii waafaqsana Qodobka 4-aad ee u dhaxeeyay Hey'adda IMF iyo dib-u-eegistii afaraad ee Mashruuca Deyn Cafinta Soomaaliya waxa ay muujineysaa isbeddel xoogan ee dhanka dhaqaalaha ah iyadoo ay waddanka saameeyaan xaaladaha ka dhashay isbeddelada cimilada iyo dhaqaala xummada adduunka soo wajahday" ayaa lagu yiri warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee IMF.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta ku saabsan dib-u-eegistii afaraad ee Barnaamijka ECF ee Deyn Cafinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

"Waxaan soo dhaweynaa warbixinta wayn ee ka soo baxday Guddiga Sare ee Hey'adda IMF ee ku saabsan natajiida ka dhalatay shirarkii iyo wadatashiydii aan ka yeellanay dib-u-eegistii afaraad ee Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda dalka iyo dhamaystirka arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya”, ayuu Dr. Cilmi.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.