Imtaxaanka Shahaadiga ee Dusiga Sare oo la soo af-meeray

Wasaaradda Waxbarashada ayaa sanad walba qaada Imtaxaanka Shahaadiga ee Fasala 4aad ee Dusiga Sare, kaas oo ay sanadkaan u fadhiisteen in ka badan 35,000 oo arday, oo ku sugan Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Gobalka Banaadir.

Warar Keydmedia Online
Imtaxaanka Shahaadiga ee Dusiga Sare oo la soo af-meeray

MUQDISHO, Soomaaliya – Waxaa maanta soo gabagaboobay imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare, kaasoo ay si mideysan u qaadeysay, Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda JFS, soona billawday 18-kii bishaan oo ku beegan sabtigi.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Caabi ayaa sheegay in imtixaanku uu ku soo dhamaaday si degan, isagoo xusay in  ay ardayda muujiyeen dalaal ku aaddaan in maalmuu imtixiinku socdo si weyn loo taxadarro, inkastoo ay jireen rabshado aan buurneyn.

Imtixaanka Fasalka 12-aad oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada sanadikii 8-aad oo xiriir ah laga soo bilaabo sanad dugsiyeedkii 2014/2015 ayay sanadkan u fariisteen 35,000 oo arday oo ku kala sugan goballda dalka iyo Caasimadda Muqdisho.

Wasiirka Wasaraadda Cabdullaahi Abuukar Xaaji ,Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada Maxamed Caabi Xasan ayaa maanta soo xiray imtixaanka oo shan maalin socday.

Ardayda shahaadiga ah ee Fasalka 12aad ee ku sugan degaannada Maamullada Puntland iyo Soomaaliland ayaan ka qeyb galin imtixiaanka Wasaaradda Waxbarashada.  

KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.