KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
In ka badan 200 oo dagaallame kana tirsan Kooxda Al-Shabaab ayay Dowladdu sheegtay in lagu dilay howl-gallada ka dhanka ah kooxdaas ee sida xowliga ah u billaawday 60 cisho ka hor, halka laga fara maroojiyay ku dhowaad 30 degaan oo ay muddo xukumayeen.
BUULABURDE, Soomaaliya - Sida lagu sheegay war ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ka badan 45 dagaallame oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaal xooggan oo ka dhacay degaanka Yasooman oo hoos taga degmada Buulaburde.
Inkastoo aysan wali dhammaan howlgallada ka socda degaannada hoos taga Buulaburte, haddana war saxaafadeedka ka soo baxay Dowladda, waxaa lagu sheegay in ciidanka Xoogga iyo dadka degaanka oo is kaashanaya ay jab xooggan gaarsiiyeen Al-Shabaab.
"Howlgal culus oo ay iska kaashanayaan Ciidanka Xoogga iyo dadka degaanka oo ka socda deegaanka Yasooman ayaa lagu dilay ilaa iyo hadda in ka badan 45 dhagar qabeyaal ah oo ka tirsan Al-Shabaab”, ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Dowladda Federaalka.
Dhanka kale, dagaal ka dhacay degaanka Warmaxan ee gobalka Shabeellaha hoose ayaa lagu dilay ku dhawaad 10 sagaal oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii Ciidamada Xoogga ay howl-gal qorsheysan ka fuliyeen degaankaas oo ay AS ku dhuumaaleysanayeen.
In ka badan 200 oo dagaallame kana tirsan Kooxda Al-Shabaab ayay Dowladdu sheegtay in lagu dilay howl-gallada ka dhanka ah kooxdaas ee sida xowliga ah u billaawday 60 cisho ka hor, halka laga fara maroojiyay ku dhowaad 30 degaan oo ay muddo xukumayeen.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.