INDHACADDE: Al-Shabaab ‘qof naga reebi maayaan aan kacno’

Jenaraalku wuxuu sheegay in hakadka uu galay dagaalka uu muhiimad weyn u leeyahay Al-Shabaab, isla-markaana ay dib isku aruursanayaan, wuxuuna soo jeediyay in aan la joojin raacdeysiga dagaallamayaasha hoos taga Al-Qaacida ee jabka kala kulamay dagaalka.

Warar Keydmedia Online
INDHACADDE: Al-Shabaab ‘qof naga reebi maayaan aan kacno’

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya – General Yuusuf Maxamed Siyaad [Indhacadde] oo xalay xarunta Galmudug uga qeyb galay caleemo saarka golaha degaanka iyo guddoomiyaha Dhuusamareeb ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab.

General Indhacadde ayaa sheegay in dagaalka hadda socda oo lagu guuldareysto ay dhigan tahay in Al-Shabaab aysan dadka qof ka reebi doonin, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay hakadka uu galay dagaalka bilihii la soo dhaafay sida xooggan u socday.

“Dagaalka aan ku jirno haddaan ku guuldarreysanno Al-Shabaab hal qof naga reebi meyso, il-laawe iyo lug-laaw halloo kaco sida dagaal loo galo loona qorsheeyo waa naqaan dagaal aan hoggaamineyno waligeen kuna aanan guuldareysan diyaan ayaa nahay”, ayuu yiri.

Jenaraalku wuxuu sheegay in hakadka uu galay dagaalka uu muhiimad weyn u leeyahay Al-Shabaab, isla-markaana ay dib isku aruursanayaan, wuxuuna soo jeediyay in aan la joojin raacdeysiga dagaallamayaasha hoos taga Al-Qaacida ee jabka kala kulamay dagaalka.

Indhacadde wuxuu Madaxweynaha Galmudug u soo jeediyay in mudada yar ee uga hartay xil-heyntiisa uu dhaxal muuqda oo dadka degaanka iyo isagaba anfacda uu uga tago Galmudug, wuxuuna ugu baaqay inuu hagar baxo muddada baaqiga u ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.