Indhacade “Shacabka Gumaadka halaga daayo”

Muqdisho(keydmedia) Yuusuf Siyaad Indhacade oo ka mid ah hogaamiyaasha soomaalida ee ku soo shaac baxay dagaalada sokeeye ayaa si weyn u dhaliilay dhibaatada shacabka soomaaliyeed ka gaareysa dagaalada sokeeye
Warar Keydmedia Online

“Dhibaatada faraha badan eek u dhaceysa shacabka waxaa mas’uul ka ah dhamaan dhinacyada hubka ku sita gudaha magaalada muqdisho, waxaana ay ila tahay in dhibaatada jirta looga bixi karo in la helo hogaan daacad ah oo shacabka u horseeda Nabadda.” Sidaa waxaa yiri yuusuf Siyaad Indhacade.

Indhacade waxa uu carrabka ku adkeeyay in loo baahanyahay shacabka daryeelkiisa in laga fakaro isla markaana leyska hilmaamo danaha gaarka ah isla markaana loo istaago daryeelka shacabka Soomaaliyeed.

Arinkan uu ka dhawaajiyay Yuusuf Siyaad indhacade ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili dhibaatooyinka shacabka Soomaaliyeed gaaraya ay isa sii tarayaan isla markaana aanay jirin cid iyadu dhabarka u ridatay mas’uuliyadda dhibaatada gaareysa shacabka.

 www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.