Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun Amb. Shariif Saalax oo Muqdisho ku Geeriyooday

Muqdisho (KON) - Shariif Saalax Maxamed Cali oo ahaa Aqoonyahan Caan ah, Siyaasi, Qorayna Buggaag badan, ayaa Maanta ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun Amb. Shariif Saalax oo Muqdisho ku Geeriyooday

Allaha u naxariistee Marxuum Shariif Saalax Maxamed ayaa Ayaantaan ku jiray Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho oo ay dowladda Turkigu Maamusho.

Marxuum Shariif Saalax Maxamed Cali oo ka mid ahaa Qorayaashii Afka Soomaaliga, ayaa haa Macallim xog-ogaal u ah Galgankii xornimo doonka, loollammadii xornimo dhalinta iyo xoogaggii xornimo-diidka ahaa, wuxuuna ka Qoray Buug taariikhda Soomaaliyeed ku tifaftiran tahay oo kasoo bilaabata waayihii Dagaalkii 2aad, kuna soo ebyooma ilaa xornimo laga qaato, iyo waayihii intaas u dhexeeyey.

Wuxuu Agaasime ka noqday Wasaarado dhowr ah, sidoo kale wuxuu noqday Guddoomiyaha guddigii Qorista Af-Soomaaliga, isagoo sidoo kale noqday wasiirkii hiddaha iyo tacliinta sare.

Marxuumka oo Qoray Buuga Caanka ah "HUDDUR and The History of Southern Somalia" wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo aan ka xusi karno sida: Ragtarka Jaamacada Umada Soomaaliyeed, Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladii Siyad Barre, Safiirka Soomaaliya ee Rooma, Safiirka Soomaaliya ee China, Safiirka Soomaaliya ee Ingiriiska.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday 78-jir, wuxuuna ku dhashay Sannadkii 1936-kii magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Marxuum Shariif Saalax ayaa isla Maanta lagu Aasay qabuuro ku yaalla deegaanka Calammada.

Geeridu waa xaq, nin roon ma raago, nafna maalinteeda ma dhaafto, Agaasimaha Keydmedia Cali Saciid Xassan asagoo ku hadlaayo Magaca bahda Keydmedia Online iyo Asxaabtii Marxuumka waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Shariif Saalax Maxamed Cali.

Waxeyna Ilaahey uga baryayaan inuu Qabriga u waasiciyo, Janatul fardowsanah ku nasto.

Sidoo kale waxaan illahey Subxaanulwatacaala ka baryeenaa in Eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuumku oo ay ugu horeeyso Afadiisi Marwo Xaajiyo Caasho Maxamuud Jimcaale iyo dhamaan reer Warsame Kulane. Imaan Illahey ha ka siiyo, murugtaasnah Illahey ha ugu badalo Ajar iyo Xasanaad.

Marxuumka Allaha u Naxariistee wuxuu ahaa Nin Aragti dheer, Wadaniyadunah dhuuxa uga jirtay, wuxuu ahaa Nin Islaam ah oo Soomaali Asli ahaa oo dadnimo Wanaagsanaa.

Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun, Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun, Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun.

Hoos waxaad ka Daawan kartaa Wareysi uu Agaasimaha Keydmedia Online Cali Saciid la yeeshay Marxuumka 5 Sanno kahor, wuxuuna Wareysiga Marxuum Shariif Saalax u yahay cashar lama ilaawaan ah Ardayda Soomaaliyeed oo dhigata kuliyadaha taariikhda iyo saxaafadda.

Keydmedia Online - Xafiiska London


    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.