INSIDE JOB: “Waa la soo daayay qaraxee yaa soo daayay”?

Sida la fahansan yahay amniga caasimaddu wuxuu wali gacanta ugu jiraa “LABA-SHAARLA-YAAL’ uu Fahad Yaasiin ka tagay oo isugu jira Boolis iyo Nabad-sugid, kuwaas oo macaash ka raadinaya dhiigga shacabka, isla-markaana Al-Shabaab u fuliya danahooda.

Warar Keydmedia Online
INSIDE JOB: “Waa la soo daayay qaraxee yaa soo daayay”?

MUQDISHO, Soomaaliya -  Weerarka ay dagaallamayaal ka tirsn Al-Shabaab ku qaadeen Villa Rosa oo ah hotel ku yaalla agagaarka Villa Somalia ayaa sii kordhiyay shakiga la xariira in ay gudaha hay’adaha Dowladda ku jiraan laba shaarle-yaal la shaqeeya Al-Shabaab.

Cali Cabdullaahi Cosolbe oo hore u soo noqday Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ka mid ah dadka shakiga jira sida cad farta ugu fiiqay, wuxuuna is weydiiyay sababta dableyda u suura-galisay in ay Villa Rosa galaan xilli jidadka loo maro oo dhan ay xiran yihiin.

“Waddo kasta ee Villa Rosa lagu tagi karo ciidan ayaa fadhiya, mana aha waddo shacabka u furan, waa la soo daayay qaraxee yaa soo daayay”?  ayuu yiri Cili C. Cosolbe, taasoo ka dhigan inuu qabo shaki ku addan in rag la shaqeeya Al-Shabaab gudaha ku jiraan.

Sidoo kale siyaasiyiin kale iyo dad shacab ah ayaa su’aal ka keenay sida ay hay’adaha amniga, saraakiisha iyo ciidamada ku sugan Checkpoints-ka xeyndaabka Madaxtooyada ugu fashilmeen hor istaagga rag hubeysan oo aan la aqoon oo u gudbaya dhanka Villada.

Dhawaan ayay ahayd markii siyaasiga caanka ah ee hoggaamiya Xisbiga Wadajir Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu su’aal galiyay shaqada ay qabtaan dhallinyarada checkpoints-ka ku qoran ee aan maalin qura fashiln gawaarida qaraxyada sidda.

Warsame wuxuu sheegay in saraakiisha ku sugan baraha-koontarool oo mushaarkoodu yahay $800 oo doolar ay Muqdisho ka dhisteen guryo ay lacag xooggan ku kacday, wuxuu xusay in loo baahan yahay in la ogaado halka ay ka keeneen lacagta intaas la leg.

Sida la fahansan yahay amniga caasimaddu wuxuu wali gacanta ugu jiraa “LABA-SHAARLA-YAAL’ uu Fahad Yaasiin ka tagay oo isugu jira Boolis iyo Nabad-sugid, kuwaas oo macaash ka raadinaya dhiigga shacabka, isla-markaana Al-Shabaab u fuliya danahooda.

Hoggaanka guud ee hay’adaha amniga, taliyayaasha degmooyinka ee Booliska iyo NISA, kuwa ku qoran baraha koontarool ee caasimadda ayay tahay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhu si dhab ah wax uga weydiiyaan amni xumada sii siyaadeysa ee Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE    

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.