Iran oo Gargaar usoo diraysa Soomaaliya

Tehran (Keydmedia) - Dowladda Iran ayaa waxa ay sheegtay in Markab gargaar ay usoo dirayso Soomaaliya kaasi oo ay ugu tala gashay dadka danta yarta ah ee Abaaruhu ay saameeyaan.
Warar Keydmedia Online

Agaasimaha guud ee Hay’adda Laanqeyrta cas ee dalka Iran Maxamud Musafar ayaa shaaca ka qaaday in Iran ay   Somaliya  u soo dirayso markabkii 15 oo sida Shixnado gargaar oo qeyb ka ah deeqaha dowaldda Iran ay ugu tala gashay shacabka ku tabaaleysan qeybo ka mida wadanka Somaliya.

Isaga oo  u waramayay Wakaalada Wararka IRAN ee layiraahdo Fars News Agency Agaasimaha guud ee Hay’adda Laanqeyrta cas ee dalka Iran Maxamud Musafar ayaa sheegay in markabkaan oo nooca xamuulka ah uu kusoo wajahan yahay  Wadanka Somaliya maalmaha soo socda kaasoo sida shixnado Gargaar ah,  waxuuna sheegay Agaasimahu in gargaarkaasi uu si toosa u gaari doono dadka ku tabaalaysan dalka.

Dowalada Iran ayaa ka mid ah dowladihii ugu horeeyay ee u soo gurmaday xiligii abaaraha ay ku dhufteen wadanka Somaliya sanadkii hore 2011.

Keydmedia - Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.