Is-baheysi ka dhan ahaa Hawiye oo fashilmay

Billowgii sanadkii hore, waxaa bannaanka u soo baxay isbahaysi ka dhexeeya labo beelood, kaas oo ay ku doonayaan in ay sanandkaan wax kaga baddellaan, awood qeybsiga muddada soo taagnaa ee ku aaddan saddexda kursi ee ugu sarreeya dalka.

Warar Keydmedia Online
Is-baheysi ka dhan ahaa Hawiye oo fashilmay

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore, Farmaajo, Hoggaamiyaha Koofur galbeed Laftagareen iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobollada Waqooyi, ayaa ka niyad jabay qorshe ay muddo soo wadeen kaasoo ah in Xildhibaan ka soo jeeda beelaha Hawiye, laga dhigo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sida ay Keydmedia Online u sheegeen, xubno xog ogaal ah, waxaa fashilmay kulan ka dhici lahaa magaalada Baydhabo, kaasoo dhinacyadu iska wareysan lahaayeen, sidii loo hirgalin lahaa qorshaha wax looga baddelayo awood qeybsiga, kuraasta ugu sarreysa dalka, taasoo Farmaajo u arkay fursad naadir ah.

Xildhibaanno ay ka mid yihiin, Sheekh Aadan Madoobe, Shariif Cabdalla, Cabdullaahi Aadan Balack iyo Aadan Saransoor oo Koofur galbeed laga soo doortay ayaa dhamaantood u istaagay, in ay u baratamaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, taasoo ka dhigan fashilka qorshihii wax ka beddelka awoodaha.

Sidoo kale, waxaa xalay inuu musharrax Guddoomiyaha  Aqalka hoose yahay ku dhawaaqay, Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig, oo laga soo doortay Juballand, kaasoo ku dhari ah, Farmaajo iyo Deni, oo u taagan Xilka Madaxweynaha, waxayna taasi fursad u tahay Is-baheysiga Dir, Digil iyo Mirifle.

Cabdirashiid Xiddig, waxaa garbihiisa taagan siyaasiyiin ka soo jeeda Muqdisho, oo qaarkood ku jira Midowga Musharixiinta, xilli ay xusid mudan tahay in doorashadii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee 2017, uu Xiddig la yimid, codod xooggan, isagoo aan waliba heysan garabka uu kal-dorasheedkaan heysto.

20-kii sano ee la soo dhaafay, beelaha Hawiye iyo Daarood, ayaa ku fadhiyay labada kursi ee ugu sarreeya dalka, [Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha] halka Raxanweyn, heystay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Dir ayaa iyana heshay Guddoomiyaha Aqalka sare, hayeeshee, xaalka ayaa sidoo la qorsheeyay iska baddelay.

Sida ay KON, ogaatay, Farmaajo, ayaa si weyn ula dhacsanaa, markii la sameynayay isbahaysiga Dir iyo Raxanweyn, wuxuuna u arkayay fursad xubnaha ka tirsan Midowga Musharixiinta, ka hor istaagi karta in ay Xilka ugu sarreeya dalka u tartamaan, hayeeshee, Musharixiintaas ayaa hadda dhisayay Xiddiga si uu carqalad ugu noqdo Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.