Is barbar-dhig: Raacdeyntii Haysom iyo burinta Madeira!

Labada Danjire, oo mid Farmaajo buriyay [Nicholas Haysom] midna uu difaacayo [Francisco Madeira], waa laba shaqsi oo si weyn u kala gaddisan, is-barbardhigga hoose, ayay KON ku qaadaa dhigeysaa farqiga u dhaxeeya labada go’aan.

Warar Keydmedia Online
Is barbar-dhig: Raacdeyntii Haysom iyo burinta Madeira!

MUQDISHO, Soomaaliya – Keydmedia Online, waxa ay is barbar dhigeysaa, raacdeyntii Nicholas Haysom, ee 1 Jannaayo 2019, iyo burinta Francisco Madeira, ee 7 April 7, 2022, labada go’aan midkee dalka iyo dadka u daneynaya?, midkee sharciga ku qotama? Labada Danjire-se, midkee waddanka danbi ka galay?    

Raacdeyntii Nicholas Haysom;

Dhamaadki Sannadkii 2018, Ergeygii Gaarka ahaa ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan boobkii ay Madaxtooyada Soomaaliya kula kacday doorashadii dhiiggu ku daatay ee Maamulka Koofur galbeed.

Dareenkaas uu muujiyay awgeed, Villa Soomaaliya, waxa ay ku war-galisay Nicholas, in aan dalka looga baahneyn, [Persona non grata] waxaana Antonio Guterres, lagu booriyay inuu soo magacaabo wakiil cusub, maadaama aysan Kooxda Farmaajo u baahneyn ergay runta abbaaraya oo aan indhaha ka qarsaneyn boobka doorashada.

Xilligaas, dhamaan wakiillada Beesha Caalamku, dhag-jalaq uma siin dhageysiga walaaca u muuqday, Nicholas Haysom, oo dareensanaa in hannaanka doorashooyinka maamullada oo is xig-gigay iyo midda Dowladda Federaalka ay qaadi doonaan jidka middii ka dhacday Baydhabo, doorashooyinkaas ayaa sidii uu ka digayay u dhacay.

DF, sooma bandhigin, sabab loo qaateen ah oo loo buriyay Danjire runta ka hadlay, soona jeediyay in doorashooyin xalaal ah oo loo siman yahay la qabto, Wasaaradda Arrimada Dibadda, oo waraaqda qortay, ayaana kaliya xustay, inuu jabiyay hab-maamuuskii ku habboonaa Xafiiska QM, taas oo aan wax caddeyn ah wadan.   

Antonio Guterres, wuxuu aqbalay soo jeedintii Kooxda Farmaajo, wuxuuna soo magacaabay ergay cusub, James Swan, kaas oo xalaaleeyay doorashadii boobka ahayd ee Cabdicasiis Laftagareen loogu boobay kursiga, wuxuuna iska indho tiray dhiigga shacabka ee la daadiyay iyo xarigga siyaasiyiinta ilaa maanta xiran.

Farmaajo iyo xulafadiisu, waxa ay Nicholas Haysom, u beegsadeen in aan runta la ogaan, adduunkana lagula macaamilo quraafaad aan beyd run ka aheyn, doorashooyinka la boobo dadkana la cuburiyo. Qorshahaas shacabka Soomaaliyeed waa ku baraarugsanaayeen, yeelkeede, jawaabtii ku habbooneyd kama aysan bixin.

Raacdeynta Francisco Madeira;

Xalay xilli danbe, Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ku wargaliyay inuu 48 saac gudahood uga baxo dalka, wuxuuna Midowga Afrika, ku boorriyay inay dib ugu yeeraan Ambassador Madeira, dowladduna la shaqeyn doonto hoggaanka (ATMIS).

RW Rooble, kama gamban inuu bulshada la wadaago, sababta uu u buriyay Ambassador Madeira, waxaana daqiiqao kadib, waraaqda ka soo baxday Xaafiiska Rooble, baraha bulshada lagu baahiyay, codka Francisco, oo u gafaya Ra’iisul Wasaraha, ku xad-gudbaya madaxdii hore ee dalka, kuna jeesjeesya dilkii AUN Xildhibaan Aamino.

Danjire Madeira, wuxuu si aan gambad lahayd u muujinayaa inuu ogyahay in Farmaajo heysto fursad soo laabasho, si taas Rooble iyo Mucaaradku uga hor tagaanna ay qaraxyadii Baladweyne, siyaasadeynayaan, si ay meesha uga saaraan rajada dib u doorashadiisa, wuxuuna Rooble ku eedeynayaa inuu neceb yahay taliyaha CXDS oo ku heyb ah.

Madeira, waxaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay in uusan dhexdhexaad ka ahayn arrimaha siyaasadeed ee dalka, mar kastana ku daanbaa Farmaajo, oo si kheyru caadi ah, ugu naas-nuujiya lacagata canshuur ahaan looga qaado qanacsatada danyarta u badan Muqdisho, waxaana middaas caddeyneysa codka laga duubay ee uu xilka ku waayay.

Iyadoo uu sidaas u cadyahay, falka ka fog dhaqanka diblimaasiyadda ee uu ku kacay Wakiilka Midowga Afrika, ayuu Farmaajo soo saaray waraaq, uu ku sheegayo in Francisco Madeira, oo si bareer ah ugu qafaya Madaxdii isaga ka horreysay, qaar ka mid ah kuwa maamullada iyo Ra’iisul asaaraha dalka uu sii wato shaqadiisa.!!

Labada Danjire, oo mid Farmaajo buriyay [Nicholas Haysom] midna uu difaacayo [Francisco Madeira], waa laba shaqsi oo si weyn u kala gaddisan, Haysom, wuxuu diiday, in sharciga lagu tunto shacabkana la caburiyo, sidaas ayuuna Farmaajo ku buriyay, halka uu Madeira, ku difaacayo caayda iyo madaxda dalka iyo ku xad-gudubka qiyamka Dowladnimada.

Waxaa xusid mudan in go’aankii lagu buriyay Haysom, ay gaareen, afar nin oo isku beel ah, marka laga soo tago Fahad Yaasiin, afarta nin ayaa kala ah;  Jamal Maxamed Xasan, (Daarood/Warsangeli), Cabdisaciid Muuse Cali (Daarood/Majeerteen), Axmed Ciise Cawad (Daarood/Majeerteen), Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, (Daarood/Mareexaan).

Sida ay qortay, majaladda xogaha qarsoon tabisa ee ‘African confidential’, Ra’iisul Wasaarihii xilligaas, Xassan Cali Kheyre, ayaa isku dayay inuu gadaal u dhigo raacdeynta Haysom, lana siiyo digniin, hayeeshee, isku daygaas, ayay kooxda kor ku xusan hor istaageen, taasoo muujineysa in burintii Haysom, dano dad gaar ah ku dhisneyd.

Shacabka ayaa garsoor ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.