KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Is-rasaaseyn ayaa wali ka socota gudaha xarun caan ah oo laga dukaameysto oo ku taalla bartamaha caasimadda Kenya.
Hal qof ayaa la xaqiijiyay inuu dhintay, waxaana la sheegayaa in Dhaawacu uu gaaray 20 Qof.
Goobta ganacsi ee uu weerarkan ka dhacay ayaa waxay ku taallaa xaafad lagu magacabo Westgate, suuqan oo ka mid ah goobaha ugu mashquulka badan Magaalada Nairobi.
Booliska Nairobi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarku yahay fal burcadnimo.
![]()
Ciidanka booliska ayaa haatan ku hareereysan Xarunta, waxaana la sheegayaa in Nimanka aysan rabin in ay isdhiibaan.
Wastegate ayaa lagu tilmaamaa Suuqa ugu qaalisan ee ku yaal Nairobi oo ay ka adeegtaan dadka Ajaanibta ah.
UPDATE: Wararka ugu dambeeya ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 Qof ay ku dhinteen Weerarka, waxaana la sheegayaa in Nimankii Weerarray Xarunta ay wali haystaan Qeyb kamid ah Suuqa.
UPDATE - 14:44: Wakaalada Wararka ee Reuters oo xiganeysa Saraakiil ayaa sheegtay in ugu yaraan 9 Qof ay ku dhinteen Weerarkaani.
Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.