Is-xasuusin: Jidkii dheeraa ee kiiska Ikraan Tahliil!

Keydmedia Online waxa ay aqristayaasheeda dib u xasuusineysaa waddadii dheereed ee uu soo maray Kiiska Ikraan Tahliil, oo maanta oo kale hal sano ka hor ay af-duubteen saraakiil uu ku jiro eedeysane Fahad Yaasiin.

Warar Keydmedia Online
Is-xasuusin: Jidkii dheeraa ee kiiska Ikraan Tahliil!

MUQDISHO, Soomaaliya – Hal sano ayaa ka soo wareegtay markii ugu war danbeysay Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA, taas oo lagu eedeeyay in ay afduubeen saraakiishii xilligaas hoggaanka u ahaa hay’adda oo Fahad Yaasiin, Kullane Jiis iyo Yaasiin Farey ugu horreeyaan.

13 July 2021, Qaali Maxamuud Guhaad oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ay la’adhay gabar ay dhashay oo lagu magacaabo Ikraan Tahliil Faarax, muddo 16 maalmood ah, waxayna sheegtay in rag ka tirsan hay’adda ay ka shaqeyneysay ee NISA, ay ka af-duubteen inta u dhaxeysa KM-0 iyo Hotel Globel, ee gobolka Banaadir.

13 July 2021 Agaasmiye ku-xigeynkii hore ee NISA, Gen Cabdalla Cabdalla, ayaa sheegay in kiiska Ikraan uu u muuqdo mid dil ah, lana mariyay jidkii ay Fahad Yaasiin iyo Kullane Jiis hore u mariyeen saraakiil badan oo ka tirsan hay’adda, kaas oo ah in qofka la dilo lana qariyo, xitaa aan meydkiisa la arkin, si looga fogaado inuu jarriimooyinkooda fashilo.

16 July 2021, Mar kale Gen Cabdalla Cabdalla, oo ka mid ah dadka sida dhow ula socday dhaqdhaqaaqa taliskii NISA ee Xilligaas, ayaa sheegay in Ikraan ay u dhimatay xog ay ka heshay dilkii AUN, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, kaasoo qudhiisa uu ku eedeeyay inuu masuul ka ahaa eedeysane Fahad Yaasiin oo hoggaan u aha NISA.

19 July 2021, Dr. Xasan Faarax Axmed, oo ah adeerka Ikraan Tahliil Faarax, ayaa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, ku edeeyay in ay ka danbeeyeen afduubka lagula kacay Ikraan 26-kii Juun, wuxuuna xusay in Cabdiqani Dhiirane, oo gacan yare u ah Fahad Yaasiin, uu waday gaariga lagu af-duubay Ikraan, habeenkii ugu war danbeysa.

22 July 2021, Mahad Maxamed Salaad, oo hadda ah Agaasimaha NISA, ayaa sheegay in qorshaha khaarijinta Ikraan Tahliil ay maleegeen Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis, isla-markaana uu fuliyay Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Yaasiin Farey, wuxuuna xusay in Fahad Yaasiin, xiriir la sameeyay Al-Shabaab, si ay dilkeeda u sheegtaan.

26 July 2021,  Guddoomiyaha Golaha dhaqanka beelaha Hawiye, Maxamed Xasan Xaad, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa Farmaajo iyo kooxdiisa ku eedeeyay khaarijinta muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, kuwaas oo ay ugu ku jirtay Ikraan Tahliil Faarax, wuxuuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay baraarugaan.

27 July 2021, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Genaraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa u magacaabay Sedax Sarkaal oo ka kala Socdo Xafiiska Xeer ilaalinta, Boliiska & Nabad-Sugidda Baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil Faarax, guddigaas ma helin kalsoonida qoyska maqanad Ikraan.

28 July 2021, Ehellada Ikraan Tahliil Faarax, ayaa ku gacan seyray guddigaas uu magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida.

2 September 2021, Hay'adda NISA ayaa soo saartey war-qoraal ah oo ay ku shaacisay in Ikraan Tahliil ay dishay Kooxda Al-Shabaab xili cadaadis badan uu saarnaa Fahad Yaasiin.

2 September 2021, Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir, ahna C/raxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inaysan suurta-gal ahayn in Gabar la weysanayaa mudo ku dhaw saddex bilood dilkeeda dusha laga saaro Al-Shabaab.

3 September 2021, Kooxda Al-Shabaab ayaa iska fogeysay eedda NISA ee ah in ay dileen Ikraan Tahliil Faarax.

4 September 2021, Dabley hubeysan ayaa Xaafadda Howlwadaag, ee magaaladda Beledweyne ka afduubey saddex Wiil oo dhalinyaro ah oo ay isku qabiil kasoo jeedaan Fahad Yaasiin, sabo la xariira dilka Ikraan.

4 September 2021, Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa mudo 48 saac ah u qabtay taliyahii NISA Fahad Yaasiin inuu ku keeno warbixin dhameystiran, oo wadata caddeyn lagu qanci karo, islamarkaana ka jawaabeysa su'aallaha la xiririka kiiska Ikraan.

5 September 2021, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la kulmay qoyska Ikraan Tahliil oo ay wehliyaan xubno ka tirsan ehellada Ikraan Tahliil Faarax.

5 September 2021, Fahad Yaasiin ayaa ka soo warceliyay dalabkii Ra’isul Wasaare Rooble, ayaa sheegay inuu kaliya warbixinta kiiska Ikraan ka horjeedinayo shir ay goobjoog ka yihiin Golaha Amniga Qaranka.

6 September 2021, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xilkii ka xayuubiyay Agaasimihii hay’adda NISA Fahad Yaasiin, oo hareer amay amarkii 48-saac ee Ra’iisul Wasaaraha.

6 September 2021, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa ka hor yimid go’aanka uu Ra’iisul Wasaarahu ku raacdeeyay Fahad Yaasiin.

6 September 2021, Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu Ra’iisul Wasaare Rooble shaqada uga joojiyay agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

6 September 2021, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax.

6 September 2021, Hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa uga mahadcelisay Ra’iisul Wasaare Rooble go’aankii shaqo joojinta ahaa ee uu ku sameeyay Fahad Yaasiin.

7 September 2021, Wakiillada Beesha Caalamku ee fadhigoodu yahay Muqdisho, ayaa sheegay in loo baahan yahay in  baaritaan lagu kalsoonaan karo lagu sameeyo kiiskaa Ikraan.

8 September 2021, Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa Qabatay Gal Dacwadeed ka dhan ah Fahad Yaasiin, Yaasiin Farey iyo Abdulaahi Kulane iyo Wada-qabad oo ay gudbiyeen qoyska Ikraan.

11 September 2021, Dr. Tahliil Faarax oo ah aabbaha dhalay Ikraan Tahliil oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa ka hadlay markii ugu horeysay kiiska Gabadhiisa, wuxuu wax aan la aqbali karin ku tilmaamay hadalkii NISA ee ahaa in Al-Shabaab ay u gacan gashay Ikraan, dabadeedna ay dileen.

13 September 2021, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa markii ugu horreysay ku dhawaad saddex bilood ka hadlay Kiiska Ikraan Tahliil Faarax, wuxuuna magacabay wax loogu yeeray (Guddi Qaran)  oo baaraya Kiiska Ikraan.

13 September 2021, Qaali Maxamed Guhaad, oo ah hooyada Ikraan Tahliil Faarax, ayaa gaashaanka u duruurtay guddiga uu Farmaajo magacaabay.

17 September 2021, Fahad Yaasin ayaa lagu xayiray Jabuuti isaga oo safar u soo ahaa Muqdisho waxaana dib loogu celyay Turkiga oo uu ka yimid.

28 September 2021, "Ikraan Cadaalad way heli doontaa ha noqoto Maanta ama Berri, kuwii dilay waxaa la horkeeni doona Maxkamadda marka uu soo dhamaado baaritaanka," ayuu yiri RW Rooble.

21 November 2021 Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, General Cabdullaahi Buule-kamey, ayaa sheegay in guddiga barista kiiska, ee uu magacaabay RW Rooble aysan u soo bixin wax caddeyn ah oo muujinaya in Ikraan ku maqan tahay gacanta Saraakiisha NISA.

21 November 2021, Maamo Qaalli Maxamuud Guhaad oo ah hooyada Ikraan Tahliil Faarax, ayaa mar kale ku gacan sayrtay hadalka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

25 November 2021, Yaasiin Fareey oo ka mid ah eedeysanayaasha kiiska Ikraan ayaa loo doortay Kursiga xildhibaannimo ee hope67.

14 February 2022, Kulane Jiis oo isna ka mid ah eedeysanayaasha Kiiska Ikraan oo cadaalada ka cararaya ayaa isna noqoday Xildhibaan.

20 February 2022, Fahad Yaasiin, ayaa Baladweyne loogu doortay Xildhibaan, hayeeshee, guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa diiday guud ahan natiijada doorashaas.

23 March 2022, Qarax is-miidaamin ah lagu dilay Allaha u naxariistee, Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, oo ahayd shaqsiga juhdiga ugu badan ku bixisay si cadaalad loogu helo kiiska Ikraan Tahliil.

23 March 2022, Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, ku eedeeyay in ay musuul ka yihiin dilka AUN, Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.

24 March 2022, Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa dilka Aamino Maxamed Cabdi, la xariiriyay kiiska Ikraan.

20 May 2022, Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa mar kale, ku celiyay in Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, ay sababsatay gacanta Kooxda ay ku maqan tahay sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax.

Jidkaas dheer ayuu soo maray kiiska Ikraan oo muddo hal sano ah aan wax caddaalad ah helin, waxaana indhaha lagu hayaa sida ay Dowladda cusub u maareyso kiiskaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.