KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Is rasaaseynta ayaa dhacday kadib markii mid ka mid ah ciidamo deegaameedka oo la sheegay in ay Ahlu-suna ka tirsan yihiin qori ay ka qaateen ciidamada Nabad sugida, isla markaana uu ciidamo kale soo kaxeestay ninkii qoriga laga qaatay.
Laba ka tirsan ciidamada Madaniga ayaa halkaasi ku geeriyootay iyadoona ay ku dhaawacmeen seddex kale oo ka mid ah ciidamada Nabadsugida, wararka qaar ayaa sheegaya in ay qasaaro ka soo gaartay shacab halkaasi.
Mudadii uu socday iska hor imaadka ayaa waxaa gabi ahaanba istaagay dhaq dhaqaaqa gaadiidka, ganacsiga iyo dadweynaha iyadoona shacabka barakacayaasha u badan ee ku nool degmadaasi ay walaac badan muujiyeen.
Kooxaha hubka gacatooda uu ku jiro ee ku sugan gudaha Magaalada Muqdisho ayaa la fishaa saacad walba inuu dhex maro isku dhac hubeysan oo siyaabo kale duwan loo fisho.
Ma jiro wax magdhaw ah oo ay shacabka helaan kolka ay dhibaato ka gaarto xabadaha ay is weedaarsanayaan dhinacayada iska ilaaway daryeelka shacabka ee ku dagaalama gudaha magaalada muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.