Isbaaro Qaadista oo Bilaabatey

Muqdisho (KON) - Waxaa Magaalada Muqdisho iyo Agagaarkeeda ka dhaqan galay Hadalkii Madaxeynaha ee ahaa in la qaado isbaarooyinka lacagaha sharci darada ah looga qaado Gaadiidleyda.
Warar Keydmedia Online

Shalay ayee aheyd markii Agagaarka Muqdisho lagu arkay Isbaarooyin laga qaadayo.

Degmada Afgoye ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxaa Shalay laga qaadey isbaaradii taalay Degmada Afgoye ee Gobolka Sh.Hoose.

Gudomooyihaa Degmada Afgoye Cabdulahi Axmed ibey oo la Hadley ayaa xaqiijiyey in ay la qaaday isbaarada Taalay Baar Ismaaciil ayna dhaqan galiyeen Hadalkii Madaxweynaha.

Degmada Dharkenley iyo Agagaarka Ceelasha Biyaha ayaa sidoo kale laga qaaday Labo Isbaaro oo ka mid ahaa kuwa lacagaha sharci darada ah looga qaado .

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.