Isbaarooyinkii Laqaaday!!! // Warbixin

Muqdisho (KON) Cabasho badan ayaa ka soo yeeraysa qaybaha kala duean ee bulshada Soomaaliyeed taasi oo ku aadan in dib loo soo celiyay isbaarooyinkii horay loo qaaday.
Warar Keydmedia Online

 

Qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo waliba inta badan degmooyinka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa xiligaan waxaa la soo dhigay isbaarooyin ama jidgooyooyin badan.

Gudoomiyaha maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ee dowlada C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay Keydmedia Online ayaa qiray in deegaano ka tirsan gobalka ay haatan yaalaan Isbaarooyin badan.

 

“Isbaarooyinkaan waxay u yaalaan kooxo aanan wax iimaan ah aanan lahayn oo wata dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya.” sidaasi waxaa jiri C/qaadir Siidii.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay jiraan qorshayaal gaar ah oo arintaan ay ka leeyihiin wasaarada Gaashaandhiga iyo waliba maamulka gobalka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale gudoomiye ku xigeenka dhinaca amaanka ee gobalka Banaadir Warsame Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay jiraan qaar ka mid ah wadooyinka caasimada in dib loogu soo celiyay isbaarooyinkii.

Warsame Maxamed Xasan wuxuu ka gaabsaday inuu faah faahin badan ka bixiyo sabaha keenay in dib loo soo celiyo isbaarooyinka yaala wadooyinka Muqdisho.

Aqoonyahan C/laahi Hilowle oo oo falanqeeya arimaha siyaasada ayaa Keydmedia Online u sheegay in loo baahanyahay maamul awood leh oo arintaan ka warqaba, laakiin aysan macno wayn doo kordhinayn in afka uun laga yiraahdo ha laqaado isbaarooyinka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka soo horjeedo lacag sharci daro ah oo laga qaado shacabka isla markaana aanan wax isbaaro ah aanan lagu arki karin guud ahaan wadanka.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.