KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ciidamada ayaa halkaasi gaaray shalay galinkii danbe waxaana xalay ay kula dagaalameen kooxaha dowlada ka soo horjeeda oo wareer ku soo qaaday, wararka qaar ayaa sheegaya ciidamada marka ay halkaasi saldhigtaan in ay doonayaan fariisimo kale in ay ka sameetaan Xero ruush, Afrikan Village iyo xaafadda KPP ee degmada Hodan.
Laakiin hamiga ceynkaas ah waxa uu u cuntami waayay kooxaha dowlada ka soo horjeeda oo difaacya adag ku leh xera ruush iyo agagaarkeeda waxaana adag in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ay si sahlan uga gudbaan laamiga ka soo baxa Warshada Caanaaha ee tarabuunka hormara si ay uga dhabeeya inta ka hartay hamigooda.
Dagaalkii xalay dhacay ayaa waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 5 qof iyadoona ay ku dhaawacmeen dad intaasi ka badan .
www.keydmedia.net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.