Isku Shaandheyn lagu sameeyay qaar kamid ah wasaaradaha Xukuumada Soomaaliya

Muqdisho (KON)- War uu soo saaray Ra'iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa lagu sheegay in isku shaandheyn lagu sameeyay qaar kamid ah wasaarahada Xukuumada kadib markii ay soo baxeen baahiyo kala duwan oo dhanka wasaaradaha ah qaarkood ah.
Warar Keydmedia Online

Digreetada dib u habeynta lagu sameeyay qaar kamid ah wasaarahada Xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa ay ahayd sidaan:.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliyeed.

Markuu arkay:            In loo baahan yahay in dib loo eego xilalka

 qaab- dismeedka Wasaaradaha qaarkood,

Markuu arkay:            Markii ay soo gaareen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha in baahi

                                             loo qabo in la kala qeexo hawlaha Wasaaradaha qaarkood;

Markuu tix-geliyey:   Markii uu la tashi buuxa la sameeyey dhinacyo kala duwan oo xog-oggaal u ah farsamada maamulka dowladda;

Marku tix-geliyay:     Qodobada 97, 99, 100 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed

Wuxuu soo saaray Xeerkan:

Qodobka 1-aad:

Waxaa is-beddel lagu sameeyey magacyada wasaaradaha soo socdo:


a)  Wasaaradda Arimaha Dibadda waxaa hadda kadib ay noqon doontaa Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaana la raaciyay howlihii iskaashiga Caalamiga ah.

b)  Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaa hadda kadib ay noqon doontaa Wasaaraadda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka.

c)  Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iy Dekedaha, waxay hadda ka dib ay noqon doontaa Wasaaradda Howlaha Guud, Dekedaha Iyo Gaadiidka Badda, waxaana la raaciyay hawlihii dhalinta iyo qaybihii korontada.

Qodbka 2-aad:

Dhammaan howlihii la xiriiray Dalxiiska iyo Duurjoogta waxay si KMG ah u hoos tagayaan Xafiiska Raiisulwasaaraha.

Qodobka 3-xaad:

Wasiirada, Wasiiru-dowlayaasha iyo Wasiir-ku-xigeenada Wasaaradahaasi wax isbedel ah laguma samayn.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.