Itoobiya oo caddeysatay fara-galinteeda Soomaaliya

Dhawaan Madaxweyne Xasan wuxuu garabka ku dhiftay iskaashigii saddex geesoodka ahaa ee Abiy, Farmaajo iyo Isaias Afwerki, wuxuuna codsi rasmi ah u gudbiyay Daladda Bulshada Bariga Afrika oo ay ku mideysan yihiin dalal ka xasilan Itoobiya iyo Eritrea.

Warar Keydmedia Online
Itoobiya oo caddeysatay fara-galinteeda Soomaaliya

GEDO, Soomaaliya - Ciidan ka tirsan Militeriga Itoobiya oo ku hubeysan dabaabaad dhameystiran ayaa maalintii labaad si aan kala joogsi lahayn ugu soo qul-qulaya gudaha Soomaaliya, gaar ahaan xudduudka gobolka Gedo la wadaago xabashida.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya degmada Doolow, ciidanka Itoobiya ayaa saaka hawada ka saaray isgaarsiintii degmada iyo degaannada u dhow halkaasoo la filayo in maanta kumannaan askari oo ka tirsan Militeriga Itoobiya ka soo gudbi doonaan.

Dhawaan Saraakiil Itoobiyaan ah, oo uu hoggaaminayey Jeneral Tesfaye Ayalew oo tan iyo July ku sugnaa gudaha Soomaaliya ayaa gaaray gobolka Gedo, kuwaas oo sahan u ahaa halka ay sal-dhigan doonaan ciidanka Itoobiya ee hadda ka soo tallaabaya xadka.

Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamadu fariisin ka sameysteen garoonka diyaaradaha Doolow, dad ku sugan degmada oo la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in ciidanku aad u badan yahay lana filayo in qeyb ka mid ah u gudbi doonaan degmooyinka kale.

Todobaadkii hore, sidaan oo kale ciidamo ka tirsan Militeriga Itoobiya ayaa xudduudka gobolka Bakool ka soo galay dalka, saraakiil ka socday Addis ababa ayaa tagay Baydhabo diyaarad gaar ahna ku qaaday Cabdicasiis Lafta-gareen oo uu u yeeray Abiy Axmed.

Dhanka kale, diyaarado ay leedahay Dowladda Itoobiya ayaa duqeymo xooggan hadda ka wadda gobolka Hiiraan gaar ahaan degaanno hoos taga degmada Matabaan, dadka degaanka ayaana KON u sheegay in tan iyo saaka ay wali socoto duqeynta diyaaradaha.

Itoobiya ayaa dooneysa in ay gacanta ku dhigto degmooyin ku yaalla Gobollada Bay, Bakool iyo Hiiraan, si maamullada Koofur galbeed iyo Hirshabeelle looga xukumo Addis ababa, si la mid ah, sida Kenya u xukunto maamulka Jubaland iyo Axmed Madoobe.

Mustafa Maxamuud Cumar [Cagjar] ayaa dhawaan sheegay in ay fariisimo ciidan ka sameysan doonaan gudaha Soomaaliya, hadalkaas ayaana sii xoojiyay shaki ku aaddan in dagaalka u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Liyuu Boolis uu salka ku hayo dano siyaasadeed.

Markii uu meesha ka baxay Farmaajo oo ahaa saaxiibka Abiy Axmed, Itoobiya waxa ay isku diyaarisay in ay dib u soo celiso faragalintii Soomaaliya, Madaxweynaha Punland Siciid Deni ayaa Cabdicasiis Lafta-gareen kaga sii horreeyay isku dhiibidda Itoobiya.

Ma jiro sharci u ogoollaanaya Madaxweyne maamul gobolleed inuu si iskiis ah heshiis amni ama mid military ula saxiixdo dowlad kale, waana hab-dhaqan ay muhiim tahay in meesha laga saaro, si weynna ay ula dagaallanto DF oo amniga iyo xudduudaha masuul ka ah.

KEYDMEDIA ONINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.