Itoobiya oo ka gaabineysa ka jawaabida abaaraha ka jira DDS

Xukuumadda Addis Ababa ayaa ka gaabineysa wax ka qabashada abaaraha ba'an ee xilligan ka jir dowlad deggaanka Soomaalida Itoobiya.

Warar Keydmedia Online
Itoobiya oo ka gaabineysa ka jawaabida abaaraha ka jira DDS

JIGJIGA, DDS, Itoobiya - Abaaraha ba'an ee ku dhuftay dowlad deggaanka Soomaalida Itoobiya ayaanan xilligan helin jawaab bani'aadminimo oo rasmi ah, waxaana madaxweynaha dowladd deggaanka Mustafe Cagjar uu arrintaasi ku eeddeeyey xukuumadda Abiy Axmed.

Madaxweyne Cagjar oo meel fagaaro ah, kula hadlayey boqolaal ka tirsan shacabka Jigjiga ku nool, ayaa cod dheer ku sheegay in xukuumadda Itoobiya, aanay sidii la rabay uga jawaabin abaaraha ka jira dowlad deggaanka Soomaalida Itoobiya.

Mustafe ayaa ugu baaqay, Abiy Axmed iyo maamulkiisa, in ay ka run sheegaan wax ka qabashada abaaraha dhulka Soomaalida ka jira, wuxuuna qiray in kaalmada ay ka heleen xukuumadda Itoobiya aanay ku filneyn, deggaanada ay abaartu saameysay.

Madaxda dowlad deggaanka, ayaa carabka ku dhuftay in abaartu ay ku sii baaheyso deggaano hor leh, waxaana dalbadeen in si wadajir ah looga hortago, si aysan u galaafan dad iyo duunyo ka badan kuwii hore.

Dowladda Itoobiya ayaa toddobaadkii aynu ka soo gudubnay abaaraha ka jira dowlad deggaanka ku taageertay, Boqol bir oo ah lacagta Itoobiya, taas oo uu sheegay Madaxweyne Cagjar in aanay waxba ka baddeleyn abaarta culus ee deggaanka saameysay.

Si kastaba, Abaaraha xooggan ee waqtigan ku dhufatay, dowlad deggaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah, kuwii ugu halista badnaa ee deggaanka soo mara, waxaanay galaafatay xoolihii ugu badnaa abid, iyadoo cagta marisay dhamaan dhul beereedkii ay lahaayeen dadkii ku dhaqnaa goobaha ay abaartu gaartay.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.