KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Heshiiska ayaa ahaa in Itoobiya ay dhisto Wadada Wajaale ee isku xirta Somaliland iyo Addis Ababa, si loo marsiiyo alaabaha ganacsiga ee laga soo dejiyo Dekadda.
ADDIS ABABA - Itoobiya ayaa lumisay saamigii ay ku lahayd Dekadda Berbera oo ahaa 19% dhaqaalaha kasoo xarooda, sida uu sheegay wasiir katirsan Somaliland. Tani waxay meesha ka saartay in Itoobiya ay qeyb kasii ahaato heshiiskii 2017 ay wada galeen iyada, DP World iyo Somaliland.
Dowladda Itoobiya ayaa ku guuldarraysatay inay ka faa’iidaysato fursaddaas, kadib markii ay buuxin waysay qaar ka mid ah shuruudihii loo baahnaa si loo dhammaystiro heshiiska, oo hadda qarka u saaran inuu fashilmo, maadaama saamilayda laga saaray Itoobiya oo ahayd cida kaliya wax kala soo degi lahad Dekadda.
Shirkadda DP World ayaa leh saamiga ugu badan ee dekedda, iyadoo 51% laga dhigay heshiiskii la saxiixay sannadkii 2017, halka saamiga Somaliland uu ahaa 30%. 19% oo lahayd Itoobiya. Hadda DP World ayaa lahaan doonto 65% saamiga dekedda, halka inta soo hartay 35% ay Somaliland helayso.
Itoobiya way ku guul-darraysatay inay buuxiso shuruudihii looga baahnaa inay saamiga ku yeelato ka hor wakhtiga kama dambaysta ah, markaa hadda wax saami ah kuma laha, laakiin waxay u baahan tahay in la ogaado in Addis Ababa wali ay daneynayso saamiga iyo in kale,” ayuu yiri Sacad Cali Shire, Wasiirka Maaliyadda Somaliland.
Lama oga sababta Itoobiya u buuxin waysay shuruudaha, balse waxaa xusid mudan in dalkan Geeska Afrika ku yaalla uu wajahaya colaaddo sokeeye, oo saameyn wayn ku yeeshay dhaqaalihiisa, iyadoo Abiy Axmed uu ku mashquulay dagaalka TPLF.
Heshiiska ayaa ahaa in Itoobiya ay dhisto Wadada Wajaale ee isku xirta Somaliland iyo Addis Ababa, si loo marsiiyo alaabaha ganacsiga ee laga soo dejiyo Dekadda, balse taaso dib u dhac ku yimid.
Jidka Wajaale oo gaaraya 240KM ayaa waxay DP World iyo Itoobiya ku heshiiyeen May 2021 in mashruuca dhismaha oo ka kacayso $10 bilyan oo dollar la dhameystiro dhamaadka 2022.
DP World ayaa ku maal-gelisay Dekadda lacag dhan US$442 million, waxayna doonaysaa inay Jabuuti suuqa uga xirto Dekadda Berbera, maadaama laga soo eryay Jabuuti saddex sano kahor.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.