KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Saraakiisha ka socda Itoobiya waxa ay dhawaan tageen magaalooyinka Baydhabo iyo Doolow ka hor inta aysan gaarin Garawe, Cabdicasiis Laftagareen ayay diyaarad qaas ah ku geeyeen Goday, waxaana xusid mdan in Siciid Deni dhawaan tagay magaalada Addis ababa.
MUQDISHO, Soomaaliya – Tan iyo markii uu meesha ka baxay Madaxweynihii Soomaaliya ee saaxiibka la ahaa Abiy Axmed, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa is baddeshay siyaasaddii Addis ababa kula dhaqmeysay Muqdisho shantii sano ee u danbeysay.
Kadib markii uu Abiy Axmed la wareegay hoggaanka Itoobiya, waxaa abuurmay isku soo dhawaanshaha isaga iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo, taasoo meesha ka saartay la macaamilkii Itoobiya ee maamullada maadaama uu gacanta ugu jiray Farmaajo.
Hayeeshee, wixii ka danbeeyay doorashadii 15 May 2022, Addis ababa waxa ay dib u soo celisay dhaqankii hore ee ahaa in ay si sharciga diblumaasiyadda ka baxsan ula macaamisho Dowlad gobolleedyada Soomaaliya iyadoo ku xumeyneysa dowladda dhexe.
Todobaadkaan Saraakiil sar-sare oo ka socday Itoobiya, ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland, si aan qarsoodi lahayn ayuu Madaxweynaha maamulkaas Siciid Cabdullaahi Deni, saraakiishaas agu qaabilay Madaxtooyada Garoowe.
Puntland waxa ay sheegaty in kulanka looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee dhanka ammaanka, la dagaallanka kooxaha kooxaha nabad diidka ah iyo sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa wax kasta oo liddi ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada.
Hayeeshee, Keydmedia Online ayaa fahansan in saraakiishaan oo masuul ka ah Abiy Axmed ay wadaan hirgalinta qorshe ay Dowladda Itoobiya dooneyso in ay ku cadaadiso Villa Somalia oo ay ku fulineyso, Puntland, Jubbaland Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.
Saraakiisha ka socda Itoobiya waxa ay dhawaan tageen magaalooyinka Baydhabo iyo Doolow ka hor inta aysan gaarin Garawe, Cabdicasiis Laftagareen ayay diyaarad qaas ah ku geeyeen Goday, waxaana xusid mdan in Siciid Deni dhawaan tagay magaalada Addis ababa.
Itoobiya waxa ay bishii hore sheegtay in ay gudaha Soomaaliya ka sameyn doonto aag ka caaggan Kooxda Al-Shabaab oo ka baxasan xudduudka Itoobiya “Security Buffer Zone”, kaasoo sida muuqata aan laga talo galin Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Tallaabooynka siyaasadeed ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu safar ku tagay dalka Masar oo Itoobiya isku yahaan muranka biyaha wabiga Niil, isla-markaana Xasan iyo Al-Siisii ka wada hadleen arrinka biyaha.
Sidoo kale MW Xasan wuxuu garabka ku dhifatay Isbaheysigii Saddex geesoodka ahaa ee Itoobiya iyo Eritrea ku wehliyeen Soomaaliya, halka uu si toos ah u codsaday ku biiritaanka Daladda Bulshada Bariga Afrika oo ah Urur ka mustaqbal fiican Itoobiya iyo Eritrea
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.