Itoobiya oo Xaalad Deg-Deg ah la geliyay iyo cabsi ka jirta Addis Ababa

TPLF ayaa qabsatey labo magaalo oo ku taalla gobolka Amhara, iyagoo sheegay inay weerari doonaan Addis Ababa.

Warar Keydmedia Online
Itoobiya oo Xaalad Deg-Deg ah la geliyay iyo cabsi ka jirta Addis Ababa

ADDIS ABABA - Gollaha Wasiiradda Itoobiya ayaa ku dhawaaqay xaalad deg-deg ah la geliyay guud ahaan dalka, taasoo billaabatay dhaqan-galkeeda Maanta oo Talaado ah, Nov 2.

Go'aanka ayaa yimid kadib markii TPLF ay qabsatay dhowr magaallo oo ku yaalla gobolka Amhara, kadibna ay usoo dhaqaaqday dhanka Addis Ababa, iyagoo khatar gelinaya dowladda.

Abiy Axmed ayaa shir deg-deg ah isagu yeeray taliyeyaasha Ciidanka, isagoo kala hadlaya xaaladda dagaal ee dalka uu galay, isagoo amar ku bixiyay in duulaan lagu qaado TPLF.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa la filayaa in berri uu ansixiyo xaaladda Deg-dega ah, waxaana kadib Xukuumadda ay qaadi doontaa tallaabooyin ay ku badbaadinayso Itoobiya oo qarka u saaran in Jabhadda Tigray qabsato.

Dadka ku nool Addis Ababa ayaa loogu baaqey inay hubka qaataan, oo magaaladda ka difaacdaan TPLF, waxaana Ciidanka la farey inay xiraan qof walba oo wada dhaq-dhaqaaq sharci darro ah, waxaana loo sameynayaa shacabka magaaladda aqoonsi [ID cards].

Gobollada Oromada, Afar, Soomaalida ayaa soo wajhday cabsi kadib markii TPLF xoojisay dagaalka iyo dhulka ay la wareegayso, iyadoo colaadda sokeeye kusii fidiyaso guud ahaan dalka.

Tigreeda mudo 30 sano aha ayay xukunka haysteen, waxayna ahaayeen kuwa aad looga baqo, oo saameyn ku leh siyaasadda iyo militeriga, iyagoo ah qowmiyad yar oo ka dhigan 6% shacabka dalka Itoobiya oo gaaraya in ka badan 100,000 oo qof.

Abiy Axmed oo 2019 helay abaal-marinta Nobel Peace Prize ayaa hadda ku sifoobey dagaal-ooge, isagoo duulaan ku qaadey Nov 2020 gobolka Tigray, halkaasoo uu ka dhacay dagaal 11 bilood socday, oo lagu dilay kumanaan qof, sidoo kalena lagu barakiciyay malaayiin kale.

Dagaalka waxaa ka qeybgalay Ciidamo wadamada Eritrea iyo Soomaaliya u dhashay oo dowladda Abiy Axmed taageerayay, kuwaasoo wali dalka ku sugan, sida ay wararku sheegayaan.

Itoobiya ayaa kusii socota wadadii burburka, waxayna hadii la afgmebiyo dowladda saameyn dhinac walba ku yeelan doontaa dalalka deriska, oo Soomaaliya ugu horeyso.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.