KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dad ehel la ah Dabageed oo la hadlay Keydmedia ayaa waxa ay xaqiijiyeen in mudadanba laga war wayay Yuusuf dabageed isla markaana xili danbe ay xaqiiqsadeen inuu gacanta ugu jiro ciidamada dowladda Itoobiya ee ku sugan xadka ay wadaagaan Hiiraan iyo Itoobiya.
Yuusuf Dabageed ayaa waxa uu ka mid yahay saraakiisha Soomaalida ah ee inta badan mabda’a dowladda Itoobiya si weyn ugu riyaaqsanaa isla markaana furaha u ahaa in Itoobiyaanka xiliya kale duwan ay soo kulaalaan xadka ay wadaagaan Hiiraan iyo Itoobiya.
Dowladda Itoobiya ayaa inta badan ku caan baxday xabsi dhigida shaqsiyaadka fuliya danaheeda, waxaana taasi ay uga gol leedahay in aanay dadka kale wax badan ka ogaan hagarta ay la damacsantahay Soomaaliya.
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.