Itoobiyaan dhaq dhaqaaq ka wada kala beerka Hiiraan

Muqdisho(keydmedia) Wararka aynu ka heleyno gobalka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowlada ay Itoobiya ay halkaasi dhaq dhaqaaq ciidan ka wadaan
Warar Keydmedia Online

Ciidamada ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu arkayay deegaanka kala beer ee gobalka Hiiraan waxaana halkaasi ay ka sameeyeen dhaq dhaqaaqyo Milatari oo xoog leh.

Lama oga sababta ka danbeysa in ciidamada xiligan ay yimaadaan halkaasi  inkastoo mudadanba ay caado u aheyd howl galo aan la ogeyn in ay ka sameeyaan deegaano ka tirsan gudaha Dalka.

Tan iyo markii horaantii sanadkii hore ay ka baxeen ciidamada Itoobiyaha gudaha Dalka Soomaaliya waxaa jiray howl galo joogta ah oo ay ciidamada Itoobiya ka wadeen gudaha Dalka Soomaaliya.

 www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.