Gen Ceydiid baal dahab ah ayuu ku leeyahay taariikhda dalka

Wuxuu dalka ka saaray keligii taliyihii dhiigya cabka ahaa, wuxuu cashar kaasi la mid ah u dhigay ciidamadii Mareykanka ee dalka ku soo duulay.

Warar Keydmedia Online
Gen Ceydiid baal dahab ah ayuu ku leeyahay taariikhda dalka

MUQDISHO, Soomaaliya- Jeneral Maxamed Faarax Ceydiid, waa halyeey ku suntan quluubta umadda Soomaaliyeed, intooda wax garata, wuxuuna baal dahab ah kaga yaalaa diiwaanka taariikhda dalkan uu leeyahay.

Jeneral Ceydiid alle ha u naxariistee, Soomaaliya wuxuu ka badbaadiyey dabiinkii adoonsiga ahaa ee uu qorsheeyey, keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre, ee ku caanbaxay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu dharaar cad diiday inuu qaayibo gumeysiga uu Soomaalida ku hayey xukunkii Siyaad Barre, isagoo geed gaaban iyo mid dheer u koray, sidii uu dalkiisa uga kor qaadi lahaa heeryada Siyaad Barre, oo u dhigantay midii isticmaarka.

Jeneralka ugu danbeyn dalka wuu ka eryey, keligii taliyihiin iyo kooxdii ku fikirka ahayd, waxaana meeshaas ku dhamaaday adoonsigii iyo bahdilkii uu ku hayey bulshada Soomaaliyeed, waana shakhsiga u sababta ah in dalka uu gaaro nidaam doorasho oo qori isku dhiib ah, sida maanta dalka ka jirta.

Maxamed Faarax Ceydiid, ayaa mar kale Dalka badbaadiyey, kadib marki 1992-kii ay Soomaaliya yimaadeen ciidamo dowlado badan ka socday oo uu hor boodayey Mareykanka.

Ciidamadaas oo dalka ku yimid qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay oo ku wajahnaa in Soomaaliya loo diro ciidamo nabad ilaalin, ayaa geystay xasuuq fara badan, balse Jeneral Ceydiid oo taasi ka dhiidhiyey ayey Mareykanku u arkeen  caddow, iyagoo u guntaday soo qabashadiisa, waxeyse ka dhaxleen dharbaaxo kulul, oo diiwaanka gashay, lagana sameeyey Film caan baxay, oo lagu magacaabo Black Hawk Down.

Ciidamadii Mareykanka ee qorsheynayey, in ay soo qabtaan Jeneral Ceydiid ,waxaa Billawgii Bishii October 1993, Soomaaliya looga dilay ciidamo tiradooda lagu sheegay 18 askari, iyadoo laga soo riday labbo diyaraadood, kadib dagaal qaraar oo ay kaga hor yimaadeen ciidamadii taabacsanaa Jeneralka.

Baroorta Mareykanka ayaa dunida oo dhan gaartay, Meydadkoodana waxaa lagu jiidayey wadooyinka caasimadda, halka shacabkuna ay ahaayeen kuwa aad u faraxsan, oo u riyaaqay libinta laga gaaray shisheeyaha.

Si kastaba, sooyaalka taariikheed ee uu ka tagay, rabbi ha u naxariistee Jeneral Maxamed Faarax Ceydiid, laguma soo koobi karo qormo yar, waxaase xusid mudan inuu ahaa geesi jecel midnimada ummada Soomaaliyeed, necebna qabyaalada, taasna waxaa marqaati ka ah cid kasta oo la soo shaqeysay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.