Jaamacada Kismaayo oo La weeraray

Kismaayo (KON) - Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ayaa Xalay Weeraray Jaamacada Magaalada Kismaayo, oo ay Dagan yihiin Ciidamada Kenya iyo Siera leon.
Warar Keydmedia Online
Jaamacada Kismaayo oo La weeraray

Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Madaafiic ku garaaceen Jaamacada,ka dibna Weerar toos ah uu Xigay.

Max’ed Guuleed oo ka mid ah saraakiisha Maleesahiyada Raas kambooni ayaa Xaqiijiyey in Dagaalka Al-shabaab ay soo qaadeen uu Geeystay Dhimasho iyo Dhaawac.

Ilaa iyo Saddex Ruux oo Rayid ah islamarkan Rasaastu ugu tagtay Guryahooda ayaa ku Dhinta Dagaalka sida uu sheegay Horjoogaha ka tirsan Jamhada Raas kambooni.

Waxaa sidoo kale jiray Madaafiic ay Rideen Ciidamada Kenya iyo kuwa Siera leon oo ku Duldhacay Guryo ay dagan yihiin Dad Shacab ah, inkastoo aan Khasaaraha ka dhashay aan la ogeeyn.

Dagaalk Khasaaro geeystay ayaa shalay Al-shabaab waxaa ay ku soo qaadeen Jaamacada magaalada Kismaayo.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.