KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Hayadaha Samafalka Soomaaliya ayaa kulmay si ay ugu gudbiyaan talo bixin ku haboon shirka ka dhacahaya Istanbuul , Turkey 31da May iyo 1da June 2012. Ururka loo yaqaan Somali Humanitarian Operational Consortium (SHOC) ayaa waxuu ku marti galiyay Soomaaliya hayado kor u dhaafi ilaa 60 oo Soomaali ah kuna howlan samafalada (NGOs) si ay uga wada xaajoodaan mustaqbalka Soomaaliya waxayna ku heshiiyeen in ay yeeshaan hal cod oo matala magaca Soomaalida halkaas cod oo ay ku hor fariisanayaan qeybaha kale ee la wadaaga wax ka qabadka baahida soomaalida.
Talo bixintaan hoos ku qeexan waa war murtiyeedkii ka soo baxay oo caddeynaya mowqifka mideysan ee hayadaha ka badan 60ka oo samafalka ka shaqeeya isuguna jira kuwa dalka gudihiisa ku sugan iyo kuwo qurbajoog ah. Waxaa sidoo kale la wadaaga mowqifkaas dalladda “Somali Relief and Development Forum (SRDF)” oo ayadana doorkeeda martigalisay 15kii May ee 2012 hayado dhan 22 oo Soomaali ah Boqortooyadda Midowday (UK) ay xurun u tahay kuwaas oo si qoto dheer u darsay go’aamada ka soo bixi kara shirka Istanbuul.
Hadda guud ahaan tala bixitii ka soo baxday waa sida soo socota:
Dhammaan qeybaha ay khuseysa arrimaha Soomaaliya waa in ay ka guuraan dhaqanka ah in un laga jawaabo dhibaatoyinka ayna u jeestaan dhinaca ah ka hortagga. Isbebelkaas waxaa lagu gaari karaa oo kaliya marka la maalgaliyo bulshada ka soo kabaneysa dhibaatadii ku habsatay ayadoo loo abuurahayo ururo iskaashato.
Dadaalada loogu jiro nabad ka dhalinta SOomaliya iyo dib u heshiisiinta waa in ay ku saleysan tahay talana ay ku leeyihiin dadka deegaanka waana in ay ka turjuntaa qaabka dib u heshiisiinta ay Soomaalidu u aragto in ku haboon yahay sida in uu yahay mid loo dhan yahay kuna saleysan talooyinka dadka deegaanka
Baqdin la’aanta joogtada ah oo ay keentay shacri la’aanta iyo xadgudbka xuquuqda banii’aadamka iyo sharciyada xuquuqul insaanka ee caalamiga ah waa in aysan sii socon. Anaku aragtideenu waxay tahay haddii aan lagu guuleysan maanta In loo howl galin qaab dhismeed haboon oo lagu ilaalinayo xuquuqda insaanka in taasi ay sii kordhineyso dhaqanka ah sharciga oon laga danbeyn iyo cadaalad darro.
Hab cilmiyeed farsameysan oo si buuxda ay ugu qeyb qaadanayaan bulshada loo adeegayo, Ururada bulshada rayidka ah ee Somaliya (SCSO’s) iyo hayadaha aan dowliga ahayn marka la qorsheynayo howlaha la xiriira samafalka iyo horumarinta waa in la xaqiijyaa in ay joogaan dad soomaaliyeed oo matala una taagan danaha Soomaalida laga biloobo wajiga hore ee qorsheynta ilaa heerka oogu sareeya ee go’aan qaadashada, taasi waxay ku imaan kartaa in kor loo qaado awooda ururada rayidka ah ee bulshada (SCSO), ayadoo la siinaayo tababaro gacanna laga siinayo howlaha farsamo.
Dib u dhiska kaabayaasha waxbarasho waxaa ay leedahay mudnaanteeda koowaad, taas oo lagu xiriirinayo baahida bulshada deegaanka iyo helidda hababka cusub ee loo fuliyo adeega waxbarashada. Dugsiyada guur guura (mobile schools) ee la socda dadka reer guuraaga ah waxay gaarsiineysaa Soomaalida ujeedooyinka horumarineed ee la higsanayo in la gaaro bilowga kun buuxdada “Millennium development goal (MDG)” iyo in la helo iskaashi hayado gaar ahaaneed oo bixiya deeq waxbarashada sare taas oo xoojin tayada nolosha, xaqiijinna helitaanka fursado deeq waxbarasho lagu siinayo dhalinyarada la liido oo ka soo jeeda qoysas dan yar ah.
Dhammaad
Macluumaadka la siinayo Tafatirayaasha
Dalladda loo yaqaan “Somali Relief and Development Forum (SRDF), waxay ka diinwaangashan tahay Boqotooyada Midowday (UK) waxayna saldhig u tahay oo XIBNAHEEDA ka mid ah hayado waaweyn oo Somali ah waxayna ka shaqeysaa gargaarka iyo horumarinta bulshada Geeska Africa.
Ururka loo yaqaan “Somali Humanitarian Operational Consortium (SHOC)” waa urur ka diinwaan gashan Soomaaliya isku xira hayadaha aan dowliga ahayn ee Soomaaliya oo kor u dhaafaya ilaa 60 hayadood oo inta badan isaga yimid gobolada dhexe ilaa koofurta hoose ee Soomaaliya. SHOC waxaaa taageera seddexda hayadood ee kala ah “Somali Relief and Development Forum (SRDF)”, “Muslim Charities Forum (MCF)” iyo “The Humanitarian Forum (THF)”
La xariir
Hanan Bihi, Somali Relief and Development Forum
0207 845 7610 - Hanan.bihi@srdf.org.uk
26th May 2012
Wakiilalada qaaliga ah ee Soomaaliyeed
Waxaan idiin soo gudbneynaa qoraalkaan la xiriira shirka Istanbuul ee dhici doona inta u dhexeysa 31ka May iyo 1da June 2012 ee looga hadlidoono Soomaaliya shirkaas oo loogu magacdaray “ Diyaarinta Musltaqbalka Soomaaliya : Ujeedooyinka la higsanayo 2015“. Wasiirka arrimha dibadda ee Turky Davotoglu wuxuu dhush ka xariiqay shirkii ka dhacay London in ay jirto baahi waqti yar ah oo khuseysa dhinac banii-aadaninmada iyo baahi waqti dheer ah oo ah dib u dhiska dhaqaalaha iyo horumarinta Soomaaliya. Waxaan soo dhoweyneynaa hal abuurka uu la yimid shirka Istanbuul ee ah in la aqoonsado doorka ay ka ciyaareen ururada bulshada ee Soomaaliyeed kuwooda gudaha ku sugan iyo kuwa qurba joogta ahba habka dib u dhiska Soomaaliya.
Waxaan u mahad celineynaa dowladda Turkey iyo Qaramada midowbayba ballanqaadkooda ku wajahan Somaliya. Waxaase jira dhowr arrimoodood oo aan dareemeyno in ay u baahanyihiin in si haboon u wajaho una falanqeeyo shirkan.
Dhammaan qeybaha ay khuseysa waa in ay ka guuraan dhaqanka ah in un laga jawaabo dhibaatoyinka waana in ay u jeestaan qaabka ah ka hortagga. Isbebelkaas waxaa lagu gaari karaa oo kaliya marka la maalgaliyo bulshada ay ku habsatay musiibadu si ay u soo kabtaan isagana caabiyaan musuubooyinka.
Dadaalada loogu jiro nabad soo celinta iyo dib u heshiisiinta waa in ay noqdaan kuwo ku saleysan talana ay ku leeyihiin dadka deegaanka u dhashay waana in ay ka turjumaan qaabka dib u heshiisiinta ay Soomaalidu u aragto in ku haboon yahay sida asaga oo ah qaab loo dhan yahay kuna saleysan talooyinka dadka deegaanka
Baqdin la’aanta joogtada oo ay keentay shacri la’aanta iyo xadgudbka xuquuqda baniiaadamka iyo sharciyada xuquuqul insaanka ee caalamiga a waa in aysan sii socon, aragtideenuna waxay tahay haddii aan lagu guuleysan manta in la abuuro abuuro qaab haboon oo u adeega xuquuqda insaanka in taasi ay sii kordhineyso dhaqan aan la iska dhaafeyn iyo xadguduka oo sii socda.
Taakuleynta dadka dadka dan yarta ah iyo abuurista ganacsi ku dhisan siyaasad caddaalad ah waa in noqoto kuwa sadhiga u ah horumarka, dib u curinta iyo iskaashiga maalgalineed. Waxaa aad baahi weyn loo qabaa in si baaxad weyn looga faa ‘iideysto khhayraadka dabiiciga ah, taasi waxaa lagu heli karaa ayadoo la helo isku filnaansho xirfadeed, farsamo, takkhasusaadaad aqooneed, kuwaas la jaan qaada farsamooyinka casriga ah iyo hirgalinta cilmiga farsamada iyo waxsoo saarka.
Hab cilmiyeed farsameysan oo si buuxda ay ugu qeyb qaadanayaan bulshada loo adeegayo, Ururada bulshada rayidka ah ee Somaliyeed (SCSO’s) iyo hayadaha caalamiga (NGOs) marka ay qorsheynayaan howlaha la xiriira samafalka iyo horumarinta waa in ay xaqiijyaan in ay joogaan dad matala ama wakiilo ka ah Somaalida marka laga biloobo wajiga hore ee qorsheynta ilaa heerka oogu sareeya ee go’aan qaadashada, taasi waxay ku imaan kartaa in kor loo qaado awooda ururada rayidka ah ee bulshada (SCSO), ayadoo la siinaayo tababaro iyo gacanna klaga siin gudashada howlahooda.
Dib u dhiska kaabayaasha waxbarasho waxaa ay leedahay mudnaanteeda degdeg ah, taas oo lagu xiriirinayo baahida bulshada deegaanka iyo hababka cusub ee loo fuliyo adeega waxbarashada. Dugsiyada guurguura ee la socda dadka reer guuraaga ah waxay gaarsiineysaa Soomaalida ujeedooyinka la higsanayo ee Millennium development goal (MDG) iyo in la helo iskaashi hayado gaar ahaaneed oo bixiya deeq waxbarashada sare taas oo xoojin tayada nolosha, xaqiijinnta helitaanka fursado deeq waxbarasho lagu siinayo dhalinyarada la liido oo ka soo jeeda qoysas dan yar ah.
Lifaaqan la socda warqadaan waa talo bixin iyo figrado ay isu keeneen 98 urur oo ay hogaamiyaan Soomali isuguna jira qorbajoogta iyo kuwo ku sugan wadanka. Waxaan rajeyneynaa in uu noqdo codka Soomalida mid loo dhega nuglaado, waxaana u rajeyneynaa shirka Istanbuul guul iyo wanaag.
Taariikh kooban
Waxaa soo muuqanaya fursad taariikhi ah oo Soomaaliaya ay dib ugu soo ceshaneyso nabaddii, deganaantii, horumarkii, sharaftii ay waayeen mudo ka badan 20 sano oo ay jireen rabshado iyo iska horimaad. Ayadoo ay doonayaan beesha Caalamku in ay diyaar u yihiin in ay ka muujiyaan Shirka Istanbuul taageerada ay u hayan Soomaalida, ayaa misana dhinaca kale anakoo ah 89 urur oo ay hogaamiyaan Soomaalidu oo isugu jira qurbajoog iyo kuwa dalka ku suganba waxaan soo gudbineynaa qoraal aanu ku muujineyno mowqifkeena, kaas oo aanu ku soo koobeyno talo bixinteena inta ugu muhimsan:
Waxaan ka soo shaqeynay Soomaaliya xilligaddii ay ka jirtay duruufta qalafsan, waxaan jecelnahay in aan idinla qeybsano waayo aragnimadeena ballaaran oon ula jeedno in aan ku dhiirigalino in la helo dadaal wada jir ah oo lagu dhiso Soomaaliya.
Somali Humanitarian Operation Consortium (SHOC), waxaa uu ku marti galiyay Mogadishu 63 urur oo Soomalia ah (NGO’s) bishii May 20dii 2012 si looga tashado mustaqbalka Soomaaliya, halkaas oo si wada jir ah ay ugu heshiiyeen in ay yeeshan hal cod oo mideysan oo ay la hortagaan hayadaha kale oo ay khuseysa marka laga hadlayo baahida bulshaweynta Soomaliya ay qabaan. SHOC waxaa lagu abuuray taageerid ay ka heshay hayadaha kala ah Somalia Relief and Dvelopment Forum (SRDF), Muslim Charities Forum (MCF) iyo The Humanitarian Forum (THF). SHOC waa urur xiriiriya in ka badan 35 hayadood oo Soomaali ah oo isaga yimid gobolada dhexe ilaa koofurta hoose ee Soomaalia. Waana ururka kaliya oo hareeya intaas oo urur oo ka jira Somlalia (Waxaa jira ururo kale laakin shaqooyin kale wada) kuwaas howshooda gaarsiin kara gobolada dhexe ilaa koofurta heystana taageerada iyo codka bulshada weyntooda.
Somali Relief and Development Forum (SRDF), waxay martigalisay bishii May 15dii 22 urur oo Somalidu ay hogaamiso oo xaruntooduna ay tahay UK ayagoo ay ujeedadii hore ay ka wada simanyihiim. War murtiyeedkii ka soo baxay wuxuu dib u cusboneysiinayay ballan qaadkooda ku wajahan u adeegidda bulshada Soomaaliyeed. SRDF waa dallad ay isugu yimaadeen ururo aan ahayn xukuumi ayna hogaamiyaan Soamali, xaruntoodana tahay UK. Dalladan waxay culeyska saartaa howlaha gargaarka iyo horumarinta ee bulshada geeska Africa.
Talo Bixin
Soo kabasho iyo horumarinta dhaqaalaha
Musiibadii abaareed iyo dhibaatooyinkii insaaniga ahaa ee hafiyay Soomaaliya 2011 oo ay sababtay dhibaatooyinka uu sameeyaan dadku ama ku yimaada xalaad dhcabiic ah waxay muujiyeen xaalado badan oo culeys iyo khartar ku ah dadka Soomaaliyeed iyo bayadoodaba. Waxaan goob joog u ahayn in mar bulsho xoog leh oo soo kabaneysa in la gaarsiiyay heer burbur ah natiijadii ka dhalatay dhibaatada awgood. Waxaan aad uga walaacsanahay dhibaatooyinka aan dhammaaka lahayn in ay yareysay awoodii ay isaga cabin lahaayeen wax badan.
Waxaan rumeysanahay in ay jirto baahi degdeg ah oo qeybaha howlahaan wada ay tahay in ay uga gud1baan caadada ah in un laga jawaabo dhibaatooyinka Soomaaliya ayna abaaraan ka hortagga. Isbedelkaas waxaa runtii lagu xaqiin karaa marka uu jiro dareen lagu xoojinayo soo kabashada ayadoo loo marayo hanaanka kobcinta dhaqaalaha iyo maalgalinta bulshooyinka ay hareeyeen aafooyinka. Arrinta si caadi ah waxaa loogu soo celinkaraa marka la hormariyo dakhliga qoysaska lagana hortago dhibaatooyinka mustaqbalka keenaya a baaro iyo aafooyin kale kuwaas oo lagu yareyn karo ama lagu cirib tiri karo hanaan lagu maalgalinayo beeraha, kalluumeysiga iyo abuurista xirfado kala duwan sida najaarada, ganacsi yaryar iwm.
Horuamrinta dhaqaalaha ayadoo loo marayo soo nooleynta qeybta waxsoosaarka Soomaaliya taas oo ay tahay in la gaarssiyo meesha ugu sareysa si fiicanna looga faa’iideysto aydoo ahmiyad gaar ah la siin beeraleyda, xoolo dhaqatada iyo kalluumeysatada.
Waxaa la yaab leh ayadoo Soomalidu ay Hodan ku tahay kalluunka, xoolaha la dhaqdo iyo beeraba misana in bulshada inteeda badan ay ku tiirsan tahay raashinka mucaawinada ee hayahada ama raashinka dalal kale laga keeno. Qeybta kalluumeysiga ayaa ah khayraadka daciici ah oo dihin si fiicanna aan looga faa’iideysan loona horumarin iskana leh ganacsi si xoog leh looga faa’iideysan karo. Waxaa sidoo kale baahi loo qabaa helidda farsamo casri oo waxsoosaarka, qalabka loo adeegsado howlaha kale iyo in la keeno tiknklogiya casri ah oo lagu taakuleynayo qeybtaas.
Waxaan rumeysanahay in qeybaha gaar ahaaneed ee gudaha iyo qurbajoogta in ay door muuqda ka qaadan karaan dadaaladaas loogu jiro dib u dhiska.Sida horay aanu u soo sheegnay joogitaanka dad firfircoon oo ah ganasato Soomaaliyeed kuna nool dunida dacaldeed, waxaa keeni kartaa fursado muhim ah oo lagu soo jiidan karo qurajoogtaas si dhaqaale iyo cudud shaqaaleba u geeyaan wadanka gudahiisa si loo hormariyo mashaariicda waxsoosaarka. Hasa yeeshaa, waxaan ka digeynaa in aan la adeegsan qaab aan habooneyn ama aan si fiican loo qorsheynama aan siyaaso fiican lagu jaangoyn, waxaan dhiirineynaa maamul dhaqameed hufan oo yareyn kara musuqmaasuqa iyo si xun u adeegsiga khayraadka taas oo lagu heli karo in kor loo qaado wacyiga lana helo khubaro caalami ah oo lataliyaal ah.
Hadaba ayada oo arrintaa laga ambaqaadi waxaan ku talo bixineynaa ka qeyb galayaasha shiraka :
In ay iska kaashadaan dhimista dhibaatooyinka iyo isbedelka cililada ayagoo ku saleyn agendaha mashruuc kasto oo loo sameyn Soomaalida iyo in la dhiso awooda hayadaha ku sugan dalka ayadoo gacan laga siin arrimaha farsamada , horumarinta xirfadaha iyo khayraadka . Sidaa darteed waxay awood u yeelan in ay gartaan, baaraan iyo in u ay u kuur galaan dhibaatooyinka la xiriira aafooyinka aynna ka jawaabaan saadaasha digniinaha hore inta ay hayadaha caalamiga ah ay u helaan waqti ay isku diyaariyaan.
In ay ka wada shaqeeyaan yareynta dhibaatooyinka sababi kara aafooyinka kuwaas oo keeni kara in uu soo noqnoqdo dhibaatooyinnkaas taas oo lagu gaari karo ilaalinta habsami isugu xirnaanta bay’adda iyo in la abuuro maamul wanaagsan oo ku wajahan khayraadka dhabiiciga ah iyo bay’adda.
In gacan lagu siiyo bulshada ka soo kabashada ayadoo la kobcin dhaqaalaha bulshooyinka nugul ayadoo la sameyn mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin horumarinta ganacsiga aad u yaryar, abuurista ilo dhaqaale oo ganacsi yar yar ama mid dhexe, dadka oo shaqada lagu siiyo lacag caddaan ah si loo xaqiijiyo in ay naftooda ku tiirsadaan. Waxaan soo jeedineynaa in la qeybiyo mucaawinid sharafi ku dheehan tahay lana joojiyo raashinka bishil oo la siinayo dad awood leh.
In gacan la iska siiyo abuurista qaab hufan iyo hanaan canshuur bixin ah, si ay ugu suurogasho dowladda in ay hesho dhaqaale ay dib ugu maalgaliso horumarinta ayadoo loo marayo qaab cilmiyaysan oo lagu hormarin qeybaha kala duwan ee wax soo saarka si dalku ugu suurtowdo waxssaar la isticmaalo iyo mid dibadda loo dhoofiyo.
In si wanaagsan loo adeegsado macluumaadka (IT), oo loola jeedo in la hormariyo kobcinta dhaqaalaha ayadoo loo diyaarinaayo maalgaliyaasha waaweyn macluumaadka suuqyada oo muhimka ah iyo in loo abuuro ururo ganacsatada oo rag iyo dumarba leh taas oo keeni karta in ay iskaashadaan xiriirna la sameeyaan ururada ganacsiga kale oo caalamiga ah.
In la hormariyo maamul haboon oo loo adeegsado khayraadka dabiiciga ah oo ay ka mid tahay adeegsiga la awoodi karo oo bedeli kara awoodda quweed ee la adeegsado si loo yareeyo adeegsiga baaxadda weyn ee loo isticmaalo dhuxusha. Arrintaas oo geysatay dhibaato kale oo sababtay in uu qalalo jawigii, dhibkiina uu sii kordhiyay jaridda geedaha iyo alwaaxda iyo daaqiska xad dhaafka ah taas oo sababtay nabaad guur iyo lama degaan, marka waa in dib loo soo nooleeyo xuduudaha seeraha daaqa sida dhul daaqa keydka ah ayadoo awood loo siin dadka deegaan in ilaaliyaan qaabka loo adeegsan.
In la kordhiyo waraabka iyo in si fiican loo isticmaalo biyaha ayadoo la adeegsan hababka casriga ah ee ilaha quwadaha sida cadceeda iyo quwadda dabeysha.
Waa in la helaa qaab joogta ah oo looga faa’iideysan karo helida biyaha, biyaha iyo dhulka ilaalintooda ayadoo la hormarin dadaalka ay bulshada ku maalgalineyso waraabka ayadoo adeegsan abuuridda iskaashatooyinka waraabka iyo xiriirka dadka isticmaala biyaha.
Nabadda, Dib u heshiisiinta iyo Caddaaladda
Anakoo ka eegeyna khibradeena dheer ee labaatankii sano oo ay jireen rabshadaha iyo isku dhaca, maanta dadka Soomaaliyeed waxay rajeynayaan in nabadda iyo deganaantu ay xidideysan karto. Anakoo ah ururo Hodan ku ah waayo aragtinimo la xiriirta Soomaaliya , waxaan si xoog leh u rumeysanahay in fursadaad weyn ee muuqata in si wanaagsan looga faa’iideysan karo haddii si fiican loogu adeegsado soo celinta nabaddda iyo wadada loo marahayo dib u heshiisiinta taas oo saldhig u noqon nabad galyo waarta.
Waxaan rumeysanahay in dadaalada loogu jiro nabad soo celinta iyo dib u heshiisiinta in ay noqdaan kuwo ku saleysan talana ay ku leeyihiin dadka deegaanka u dhashay waana in ay ka turjumaan qaabka dib u heshiisiinta ay Soomaalidu u aragto in ay ku haboon yahay sida in uu noqdo qaab loo dhan yahay kuna saleysan talooyinka laga keenay dadka deegaanka.
Midda labaad, waxaan aad uga walaacsanahay kororka hubka yaryar oo ku soo batay Soomaaliya ladabii toban sanadaad ee ugu danbeysay oo rabshadaha iyo iska horimaadka ay jireen. Haddii xaqiiqadaas aan si toos ah loo wajihin waxay khatar galineysaa nabad kasto oo la helo. Si loo helo nabad iyo bulshada oo heshiisa hormar, waxaan u aragnaa in ay haboon tahay in la hirgaliyo talaabooyin dhab oo wax ku ool ah dadkana lagu dhiirigaliyaa in hubka ay iska dhigaan loona helo qaab kale oo nololeed.
Ugu danbeyntii ka baqid la’aantaan dheeraatay ee marka kasto lagu jabinayo sharciga xuquuqul insaanka iyo qawaaniinta caalamiga ah ee banii aadamka waa in uusan noqon mid intaa ka badan sii socda sida ay noogu muuqato.Haddii lagu guuleysan waayo in la helo ilaalin ku dhisan qaab dhismeed haboon waxay keeneysaa qaab dhaqameed aan la laga hareyn oo cabsi la’aan ah iyo cadaalad darro in laga dhaxlo. In sharigu la isku xukumo waa arrin aasaasi ah si loo helo nabadgalyo waarta iyo dadaalo dib u heshiisiin. Waxaan ku talo bixineynaa in bulshada caalamku ay :
In ay si xoog leh gacan u siiso xal farsamo oo loo helo xasaradda soo wajahday Soomaalida ayadoo la ogyahay laakiin aan loo helin xal wanaagsan gaar ahaan bartamaha iyo koofurta Soomaaliya. Waxaa jira nabad lagu naaloodo oo ka jirta Somaliland iyo Puntland, waxaan soo jeedineynaa in laga faa’iideysto cashiradii laga bartay guulahaas la gaaray.
Waxaad xasuusnaataan in nabad galyada iyo dib u heshiisiinta ay tahay in lala xiriiriyo dareenka deegaanka iyo xeer dhaqankooda iyo talada odoyaasha ay ku maareeyaan is afgaran waaga iyo horuamrinta niyo wanaaga ka dhexeeya bulshada. Aad ayay muhim u tahay in lagu dhiirigaliyo oday dhaqameedyada in ay ka qaataan qeyb muuqata marka loo dhisayo qaab dhismeed dib u heshiisiinta, sidoo kalena in lagu dhiiri galiyo awoodna loo siiyo xubnaha aan si toos ah uga dhex muuqan hab dhaqameedka sida dumarka iyo dhalin yarada in ay qeyb weyn ka qaataan dib u heshiisiinta codna ay ku yeeshaan
In si dhab ah looga howl galo lana abuuro barnaamij lagu shaqeyn karo si loo wajaho kooxaha aadka u tirada badan ama shaqsiyaadka hubeysan si loo xaqiijiyo hub ka dhigis iyo dadaalada looga saari lahaa xirfadda noocaas ah ayadoo la adeegsan dhaqan wanaagsan laguna wajihi howlaha bulshada.
In la xaqiijiyo in uu jiro qaab nololeed wanaagsan oo ay ku maareyn karaan noloshooda iyo tababaro mashaariic ama xirfadeed oo loo diyaarin dagaalyahanadii hore. Sidoo kale in si nafsiyan iyo bulsho ahaanba gacan loo siiyo dadkii dagaalada hore ku jiray si ku soo biirista nolosha bulshada caadiga ah ay u noqoto mid lagu guuleysto.
In aad loogu dadaalo cadaaladda dhinaca dhaqalaha la xiriirta ayadoo la qaadayo go’aamo hufan oo looga soo horjeedo waxyeeleynta baahsan oo ay keeneyso sida baaxadda weyn oo sharci darrada ah oo looga kalluumeysanayo ama lagu xaalafinayo khayraadka badda iyo ku duugidda xeebaha Soomaaliya wasakhda iyo sunta iyo in gacan lagu siiyo Soomaalida in ay la xisaabtamaan kuwii ka danbeeyay dhibaatadaad fal danbiyeedka ah.
In la balaariyo joogitaanka hayadaka dhexdhexaadka ah ee xuquul insaanka korna loo qaado hayadda xuquul insaanka ee UN-ka lana geeyo Soomaaliya gudaheeda uuna ka mid yahay xafiiska heer wakiil ah oo qaabilsan xuquuqul insaanka.
In la magacaabo wakiil ama masuul dhexdhexaad ah oo madax banaan si uu u uga baaraandego una baaro jabintii qawaaninta xuquul insaanka iyo sharciyada caalimiga ah ee xuquuqul insaanka ee ka dhacay Soomaaliya isla markaasna uu ka soo talo bixiyo qaabkii loo xaqiijin lahaa in cadaalad la horkeeno qeybihii ka danbeeyay oo dhan.
In la kordhiyo maalgalinta la siinayo hayadaha smafalka ee Soomaaliya (NGO’s), hayadaha difaaca xuquul insaanka iyo shaqsiyaadka ka howl gala warbaahinta si awoodooda ay ku dabagalayaan xadgudubka xuquul insaanka, caawinta iyo horumarin xuquuda loo xoojiyo. Dhamman dadka doorka ku leh howlahaa waa in loo fududeeyaa adeegsiga warbaahinta oo dhan si ay kor ugu qaadaan wacyiga, u gudbiyaan fariinta una abuuraan dareenka xuquul insaanka.
In lagu dhiiri galiyo masuuliinta dowladda in ay qaadaan tilaabo degdeg ah oo dhexdhexaad ah, si loo sameeyo baaritaan madax banaan oo lagu baarahayo xaaladii khatarta ahaa ee jabinta iyo ku xadgudubka xuquul insaanka. Si loo gaaro hadafkaas waa in la kordhiyaa maalgalinta loogu talo galay hayadaha horumarinta nabadda si ay u helaan awood ay ku fufudeyn karaan, kula xaajoon karaan ku daba gali karaan heshiisyada lagu joojin dagaalada laguna raadin nabadda.
Codka Soomaalidaa
Bulshada rayidka ah hayada samafalka (NGO’s) ee Soomaaliya waxay hormood ka ahaayeen u shaqeynta bulsha weynta Soomaaliya 20kii sano ee la soo dhaafay ayagoo muujiyay sida ay daacad uga yihiin ballan qaadkoodii ku aadanaa horumarinta bulshada Soomaaliyeed. Ayada oo aan la fiirineynin taakuleynta guud iyo mid gaar ahaaneedba oo loo fidiyay Soomaaliya dhibaatadeed, waxaan ka walaacsanahy in uu jiro shaki soo kordhaya ee natiijada yar oo uu leeyahay mucaawinada la siiyo Somaaliaya.
Waxaa jirtay dadaalo waqti dheer qaatay oo loogu jiray la dagaalanka musuqmaasuqa iyo wax isdabamarinta oo mudo dheer xidideystay ayna adkaatay in laga gudbo taasoo aafeysay wixii horumar ahaa oo la gaarilahaa. Dhaqaalihii badnaa ee loo qoondeeyay Soomaaliya wuxuu noqday mid aan muuqan meel uu ka baxay, wax yar oo dhib oo kale ah ayaa waxaa uu gaaray dadkii dhibaateysnaa ee ku sugnaa deegaanka. Ayadoo la aqonsanyahay ahmiyadda ay leedahay in si wada jir ah oo musuuliyad ku dheehantahy loo wada shaqeeyo ayaa waxaa aad muhim ugu ah deeq bixiyaha iyo ka faa’iideystahaba in lala xisaabtamo si xilkasnimo ku jirto taas oo laga soo biloobayo hoos kuna dhammeyso kor (Bottom up approach).
Waxaa muhim ah in la adeegsado qaab cilmiyaysan oo ay ka dhex muuqdaan bulshada ka faa’iideysaneysa adeega, ururada bulshada iyo hayadaha samafalka ee Soomaaliya si qeyb mug leh uga qaataan qorsheynta howlaha bani-aadanimada/horumarka si loo xaqiijiyo in ay joogaan dad matala Soomalida marxaladaha kala duwan ee ka bilooban qorsheynta ilaa laga gaaro meeshu ugu danbeysa ee go’aan qaadashada. Arrintaas waxaa lagu heli karaa in la xoojiyo awoodda ururada bulshada rayidka ah ayagoo la siin tababaro gacanna laga siin dhinaca farsamada.
In la sameeyo qaab dhismeed sharci ah kaas oo xaqiijinaya hufnaanta haydaha samafalka, abaalmarinna siiya hadyaddii si hufan u adeegsata dhaqaalaha ay bixisay, arrintaas waxay kor u qaadeysaa xil kasnimada iyo hab dhaqan wanaagsan waxayna yareyneysaa fursadaha wax lagu lunsado. Waxaan soo jeedineynaa in talaabooyinkaan soo socda la hirgaliyo:
In la dhiirigaliyo xiriir wanaagsan oo u dhexeeya jilayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya howlaha isnsaaniga ah si ay u abuuraan iskaashi uguna heshiiyaan hab degdeg ah oo ay ku wajhaan baahida degdeg ah ee insaaniga ah. In ay xaqiijiyaan in ay meel isla dhigaan waxa iska leh mudnaanta kowaad, taasi waxay xaqiijineysaa in si fiican loo isticmaalo qarashka baxaya waxayna si aad u weyn looga faa’iideyn adeegii ay gaarsiiyeen bulshada.
In la hagaajiyo lana wanaajiyo xiriirka hadda jira kaas lagu xiriirinayo qaabka ugu haboon oo laaga faa’iideyn karo baahida hayada Soomaalida si loo kordhiyo howgalkooda iyo dareenkood ah in ay wax ku leeyihiin.
In si buuxda looga qeyb galiyo bulshada ka faa’iideysan adeega marxaladda qorsheynta ee howlaha samafalada iyo horumarinta.
In loo dejiyo qaab sharciyeed oo heer dowladeed ah oo khuseeya ururada rayidka ah iyo hayadaha samafalka si loo yareeyo fursadaha wax lagu lunsado lana hormariyo xilkasnimada. Waa in la sameeya handti dhowrid qotodheer oo aan ku ekeyn waxa ku qoran warqadaha laakin la dabagalayo qaabka guud ee loo isticmmlay dhaqaala hayadoo lana baaro qarash kasto oo baxay.
In kor loo qaado awooda haydaha samafalka ee Soomaalida aygoo la siin tababaro khuseeya kor u qaadidda awoodooda ee maamulka dhaqaalaha, qaabka ismaamulka iyo kala danbeynta, iyo horumarinta, awooda farsamo iyo shaqo si ay u hormariyaan waxqabadkooda. In si joogta ah u wada xiriiraan dhammaan hayadaha ay khuseyso howlahan ayadoo gacan la siin daladaha ka jira gobolada iyo dowladda dhexe waa in la dhiirigaliyaa si loo hormariyo dadaalka iskaashi ee loogu shaqeyn bulsha weynta Soomaaliyeed.
Waxbarashada iyo Khibradda
Somaalida oo bulshadeedu u badan tahay dhallinyaro da’dodu u dhexeyso 17- 18 sano, xiriirka u dhexeeya mustaqbalka Soomaaliya iyo in la helo waxbarasho buuxda waa wax aan la fududeysan Karin.
Waxaan rumeysanahay in ay muhim tahay in awood la siiyo dhalinyarada, taasin ay ku imaan karto in loo diyaariyo fursado ay u siman yihiin mashaariicda waxbarsho kuwo xirfadeedka, kor u qaadidda xirfadda iyo fursadaha tacliinta sare. Si looga gun gaaro in fursadahaas loo helo dhalinyarada waa in la qaado tilaabo degdeg ah oo lagu dhisayo kaabayaasha waxbarasho kaas oo lagu talayo baahida deegaanka ayadoo la keenayo qaabab cusub oo lagu gudbiyo adeegga waxbarashada lana adeegsanayo tiknologiyada isgaarsiinta ee casriga.
Dugsiyada guurguura ee la socda dadka reer guuraaga ah taasi waxay gaarsiineysaa Soomaalida ujeedooyinka la higsanayo ee Millennium development goal (MDG) iyo in la helo iskaashi hayado gaar ahaaneed oo bixiya deeq waxbarashada sare taas oo xoojin tayada nolosha xaqiijinna fursado deeq wax barasho oo la siinayo dhalinyarada la liido oo ka soo jeeda qoysas dan yar ah. Qeyb gaar ahaaneed ayaa hadda ballan qaaday in ay ka howgasho tacliinta sare.
Waxayna noogu muuqataa in ay muhim tahay in la hormariyo xirfad shaqo ( waxbarashada xirfadaha) , kaalin aysan noqon mid qarisa dadka aqooyahanada ah oo ka shaqeeya goobaha shaqada ee Soomaliya. Qurba joogta sSoomaaliya waxay Hodan ku yihhin khibrad ballaaran taas oo looga faa’iideysan karo hab cilmiyaysan taas oo lagu dhiirigalin in ay aqoonyahana kala duwan dhammaantood ay dib ugu laabtaan wadanlka si ay u xoojiyaan qeybaha guud ahaaneed iyo kuwa gaar ahaaneedba si ay u kabaan dibna ugu celiyaan maskaxdii wadanka ka soo tagtay. Sidaa darteed waxaan u soo jeedineynaa bulshada caalamka I n ay :
In ay maalgalyaan abuurista kaabayaashii waxbarasho ee aasaasiga ah, taasi waxay noqon kartaa dhismaha ama dayactirka dugsiyada, macaahidda, tababarada macalimiinta, horumarinta manhajka iyo xaqiijinta in qalabka waxbarasho ee loo baahan yahay la heli karo markasto.
Waxaanu soo dhoweyneynaa cusbooneysiinta ballan qaadka lagu gaarssinayo MDGs ardada Soomaalida oo dhan oo ay ku jiraan kuwa jira xeryaha qaxoojiga. Waxaan ugu yeereynaa qeybaha oo dhan in ay sameeyaanballan qaad lagu cirib tirayo jahliga ka jira Somalia iyo in la dhiirigaliyo qiimaha waxbarashu u leedahay guud ahaan bushooyinka oo dhan ayada oo loo marayo wacyi galinta bulshada.
Waxaan soo jeedineynaa in aysan lahayn waxbarashadu xad soo celiya ama helitaanka fursado waxbarsho oo lagu horumarin xirfadda iyo tacliinta sareba ee dhallinyarad Soomaaliyeed.
In la dhiiri galiyo waxbarasha tooska iyo midda dadbanba ee loo fidin dhalinyarada Soomaaliyeed ee horay ugu jiray dagaalada si ay uga faa’iideystaan xirfadahaas uguna shaqeeyaan shaqooyin kala duwan sida kalluumeysiga, beeraha iwm.
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.