Jabhadda A/Madoobe Oo Dhac Iyo Boob Ka wada Kismaayo

Kismaayo (KON) - Magaalada Kismaayo waxaa ka soo socda dhibatooyin ay Shacabka ku hayaan Jabhadda A/Madoobe, weyna Magaalada Kismaayi ka wadaan Dil, Dhac iyo Boob Hantiyeed, sidaas waxaa yiri Sh. M/diin. Sh. Yusuf.
Warar Keydmedia Online
Jabhadda A/Madoobe Oo Dhac Iyo Boob Ka wada Kismaayo

Luuqyada Dariiqyada bay Dadka u galayaa. Wey na baartee oo waxxay Naga Gurubsadeen  Telefoonadii Mobilkaa iyo waxuu Jeebka aan ku wadanay. Habeenkii Xalay ahaa waxaay Dhaceen 3 Dukaano ku yaala Xaafadaha Guulwade & Via Afmadow. Oo waliba ay dukaamada u kala xulanayaan Reer Hebel iyo Reer Hebel ayuu yiri Sh. Muxiyadiin Sh Yusuf oo ay Keydmedia Qadka Telefoonka ku Wareysatay.

Sh. Muxiyadiin oo hadalkiisii sii wata: Dawladda M/weyne Xasan Shiikh ay naga hiilisay. WEy ka aamustay Kismaayo ka dib markii Ciidamada Kenya iyo kuwaan Jabhadda ay Shacabkii Magaalada Xasuuqeen. Waxaana la sheegayaa oo Wararku nagu soo gaarayaan in Qoladaan na qabsatay la rabo in loo sharciyeeyo Falkood Mustacmiro, taas na ma ah arin aay Dadka Degaanku Ogolaan karaan, ayuu yiri Sh. Mixiyadiin Sh. Yusuf.

Si kastaba ha ahaatee waxaa moodaa in ay isisoo tarayaan Warkii Wayahaan la hadal hayey, oo waliba Keydmedia Shalay wax ka soo Qortay, lana xariiray inuu  Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir u la wado wada hadalo Kooxda A/Madoobe iyo Kenya- Ethiopia. Halkaan ka Aqri.

Wasiiru Dowlaha M/xtooyada Faarax C/qaadir, waxuu Xubinna ka ayhay “Urur Diimeedka Dam Jadiid” oo ay ku jiraan qaar ka mid ah Madaxda ugu Sareysa Dowladda. Waxuuna Wasiirku wado qorshe uu ku doonayo in Madaxda Dowladda ay u Aqoonsadaan “Maamulka Axmed Madoobe mid Sharci ah”. Wasiirku waxuu ka sheekeeyaa: "Si Nabad lo helo": Kenya waxaan ku Qancineynaa In A/Madoobe laga dhigo Guddomiyaha Gobolka. Dekada iyo Airporka iy Dawladu Maamusho, Odayaasha Dhaqanku Gudi lo sameyo kadibna ay Kenya Baxdo. Haaa. Saas bay Kenya ku Baxaysaa?

Keydmedia.net

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.