James Swan oo kulamo siyaasadeed ka wada dalka

Qaar ka mid ah Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Ergeyga Qaramada Midoobay James Swan, ayaa wada kulamo siyaasadeed oo la xariira dardar galinta doorashooyinka.

Warar Keydmedia Online
James Swan oo kulamo siyaasadeed ka wada dalka

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergeyga xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo qaar ka mid ah wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, ayaa kulamo siyaaadeed kawada dalka, waxayna maanta magaalada Muqdisho kula kulmeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha maamulka Koofur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxmed Lafta-gareen.

Swan iyo kooxda wehlisa waxa ay todobaadkii hore magaalada Garowe, kulan kula qaateen Madaxweyaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, qodobkii ugu mihiimsanaa ee shirkaas ayaana lagu sheegay inuu ahaa arrimaha doorashooyinka.

Isla todobaadkaas, waxa ay kulan la qaateen, Xaniifa Maxamed Ibraahim ‘Xaabsade’ oo ah wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, kulankaas waxaa looga hadlay qoondada haween.

Sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Xukuumadda, kulanka maanta waxaa looga hadlay horumarada laga sameeyay howsha doorashadda ee uu madaxda u yahay Rooble, fatahaadda Shabeellaha Dhexe iyo Covid-19, oo ah dhibaatooyin u baahan hadda in wax laga qabto.

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Koofur galbeed, Lafta-gareen, ayaa war uu soo saaray ku yiri, “Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka kulan kula qaatay saaxibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, Waxaan kawada hadalnay arimaha doorashooyinka iyo mashaariicda hormarineed ee ka socda deegaanada Koonfur Galbeed”.

KKEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.