Cabdirashiid Janan oo ‘ku biiray mucaaraadka’

Cabdirashiid Janan, ayaa saxaafadda kula hadlay Muqdisho, wuxuuna wax kama jiraan ku tilmaamay wararka la xariiraa inuu baxsaday.

Warar Keydmedia Online
Cabdirashiid Janan oo ‘ku biiray mucaaraadka’

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan, oo mar kale ka baxsaday Villa Soomaaliya, kadib markii ay isku dhaceen Agaasimaha NISA, Fahad Yaasiin, ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharrax Xildhibaan Aqalka hoose Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Cabdirashiid Janan, ayaa ka soo guuray guri uu ka degenaa Xarunta Nabad-sugidda, wuxuuna degay hoyga hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo u dhow Huteelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayuu saxaafadda kula hadlay Caasimadda, wuxuuna ku dhawaaqay inuu yahay musharrax xildhibaan, wuxuu meesha ka saaray wararka sheegaya inuu Dowladda ka baxsaday, isagoo tilmaamay inuu xor u yahay goobta iyo guriga uu ka degayo Muqdisho.

Janan, wuxuu wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegay in uu dib ugu laabanayo Gedo, si uu dagaallo u abaabulo.

Wuxuu doorka iyo hoggaamintiisa doorashada ku amaanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Bartamihii sagaashameeyadii ayaa la sheegaa inuu shaac baxay kadib markii isagoo da'yar uu ku biiray ururkii Al-Itixaad ee gobolka Gedo, kaas oo waqtigaas la dagaallamayay ciidammada Itoobiya ee gacanta siinayay Ururkii SNF.

Wuxuu soo noqday gudoomiyaha degmada Doolow, taasna waxay u sahashay inuu udub dhexaad u noqdo siyaasadda gobolka Gedo.

Waxaa lagu eedeeyay inuu gaystay tacaddiyo ka dhan ah aadanaha, wuxuuna laayaay maxaabiis u xirneyd maamulkiisa, sida ay sheegeen hay’adaha xuquul inshaanka.

Wuxuu ahaa garabka midig ee Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, ka hor inta uusan xilkii wasiirkii amniga maamulkaas ka qaadin, ka dib markii uu Janan, la heshiiyay dowladda Federaalka.

Wasiirkii hore ee Jubbaland, ayaa noqday shaqsiga ugu baxsadka iyo is babadelka badan siyaasadda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.