Jeneral Shiikh Yusuf Indha Cadde Oo La Xiriiray Horjogayaal Ka Tirsan Al Shabaab

Muqdisho (KON)-Gen Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa magaalada Muqdisha kula kulmay Horjogayaal ka tirsanaa Xisbigii Burburay S.Ilaam iyo kuwo wali ka mid ah Kooxda Al Shabaab.
Warar Keydmedia Online
Jeneral Shiikh Yusuf Indha Cadde Oo La Xiriiray Horjogayaal Ka Tirsan Al Shabaab

Indha Cadde ayaa Raga uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Maxamed Macalim oo ka tirsan Horjogayasha Ururkii ku Milmay Al Shabaab ee la oranjiray "Xisbul Islaam" Af Hayeenka Ururkaas Maxamed  Cusmaan Caruus,  Abuu Xarita oo ka mid ahaa Horjogayaasha Kooxda Shabaab iyo C/fataax oo ahaa Maskaxdii Siyasadeed isla markaasna Masuulkii Maaliyada ee Kooxda Shabaabka. C/fataax waxaa laga hayaa: Dadka gaalada la nool waa Gaalo oo waa banaantay in lagu Shahiido, Taas oo micnaheedu tahay Reer Muqdisho waa banaantahay in la laayo.

Horjogayaashan uu la kulmay Indha cadde ayaa waxa ay la oo Carareen oo ay la socdeen Xasan Daahir Aweys ka dibna waxaa la keenay Magaalada Muqdisho ayagoo laga keenay Magaalada Cadaado ee Maamulka Ximin iyo Xeeb.

Horjoyaashan ayaa ka mid ah Ragii ka Dambeeyey Burburka ku habsaday dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo aad dhamaantiin wada Xasuusataan.

Keydmedia. net 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.