Jowhar: Musharixiinta oo khudbad-jeedin sameynaya

Berri oo 4-ta November tahay ayaa la filayaa in Xildhibaanada ay doortaan gudoonka Baarlamaanka, iyadoo wali aan la xalin khilaaf ka taagan 9 kursi oo wali la dooran.

Warar Keydmedia Online
Jowhar: Musharixiinta oo khudbad-jeedin sameynaya

JOWHAR, Soomaaliya - Waxaa Maanta Jowhar ka dhacaysa khudbad-jeedinta lix musharax oo isku soo taagay xilalka gudoomiye Baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa 1-aad iyo 2-aad, kuwaasoo shalay la siiyay Shahaadooyinka Musharaxnimo.

Doorashadda ayaa u dhacaysa qaab dadban, iyadoo ay codeynayaan Xildhibaanada cusub ee dhawaan la dhaariyay kuwaasoo 90 gaaraya, balse ay ka dhiman yihiin 9 kursi oo dood ka taagan tahay beelaha loo qoondeeyay dhexdooda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa ku sugan Jowhar arrimo la xiira ololiisa doorashadda iyo xalinta khilaafka beelaha ee kuraasta dhiman ayuu wadahadal kala leeyahay odayaasha dhaqanka iyo madaxda Maamulka HirShabeelle.

HirShabeelle ayaa ku jirta jawi doorasho oo qasan, islamarkaana Villa Somalia lagu eedeeyay inay afduubtay hanaanka doorashadda, iyadoo si deg deg ah ku dhisaysa Maamul lamid ah kuwii hore ee fashilmay.

Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynihii HirShabeelle ayaa shaaciyay inuu is-casiley, isagoo go'aanka shaqada uga tagey ku saleeyay in la maqli waayay talo uu soo jeediyay ee ah  in dib loo dhigo dhismaha Maamulka, oo loo sugo illaa doorashadda heerka federaal ka dhacayso.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.