Jubaland oo soo gabagabeysay doorashada Gedo

Axmed Madoobe ayaa kusoo saarey kuraasta shaqsiyaad isaga uu wato iyo kuwa Rooble dhankiisa ka socda, sida Wasiirka Waxbarashadda Xukuumadiisa C/llaahi Carab.

Warar Keydmedia Online
Jubaland oo soo gabagabeysay doorashada Gedo

CEEL-WAAQ, Soomaaliya - Jubaland ayaa Maanta shan kursi ku dooratay, kuwaasoo ahaa Xildhibaanadii ugu dambeeyay 16-ka Kursi ee Gedo taallay, oo dhawaan loo wareejiyay degmada Ceel-Waaq, oo ku dhaw xadka Kenya.

Axmed Madoobe ayaa kusoo saarey kuraasta shaqsiyaad isaga uu wato iyo kuwa Rooble dhankiisa ka socda, sida Wasiirka Waxbarashadda Xukuumadiisa C/llaahi Carab oo shalay la doortay.

Xildhibaanada Maanta la doortay ayaa kala ah:

Faadumo Faarax Aadan [HOP123]

Axmed Cismaan Ibraahim [HOP131]

Maxamed Muxumed Maxamed [HOP110]

Mursal Maxamed Khalif [HOP122]

C/rashiid Maxamed Ducaale [HOP125]

Dhanka kale, magaaladda Garbahaarey ayaa lagu qabanayaa wixii berri ka billaabata doorashadda isla 16-kan kursi ee loo qoondeeyay gobolka Gedo, waxaana ay noqonayaan doorashooyin iska soo horjeedda, oo mukhilad kale abuureysa xili dalka ku jira marxalad xasaasi ah.

Gudiga FEIT ayaa ku kala qeybsamay doorashadda, waxayna kala tageen labada magaalo, iyadoo midka Ceel-Waaq yahay kan bixiya shahaadooyinka Xildhibaanimo, ee looga mid noqonaya Gollaha Shacabka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.