Jubaland oo taageertay Xukuumadda cusub

Hadalka Lugadheere ayaa ku soo aadaya xilli ay shalay Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, sheegeen in ay Xamse Cabdi Barre ku tuntay xuquuqda beesha ay ka soo jeedaan.

Warar Keydmedia Online
Jubaland oo taageertay Xukuumadda cusub

KISMAAYO, Soomaaliya – Maamul gobolleedaka Jubaland ayaa soo dhaweeyay Golaha Wasiirrada ee uu dhawaan ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, wuxuuna maamulka Kismaayo Baarlamaanka ugu baaqay in ay ansixiyaan Xukuumadda.

Madaxweyne ku xigeenka 2-aad Maamul gobolleedka Jubaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud [Lugadheere] oo la hadlay VOA laanteeda afka Soomaaliga, ayaa sheegay in maamulku taageersan yahay hablka loo maamulay dhismaha Xukuumadda cusub.

“Jubaland waxa ay si buuxda u garab taagan tahay xukuumadda uu soo dhisay RW Xamse Cabdi Barre, waana u hambalyeyneynaa isaga iyo Golihiisa Wasiirrada, waxaana Xildhibaannada ugu baaqeyna in ay ansixiyeen Xukuumadda”, ayuu yiri MW Lugadheere.

Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubaland, wuxuu sheegay in xilligaan aan loo baahneyn is-qabqasi siyaasadeed oo durba curta, taas baddelkeedana la joogo xilligii diiradda la saari lahaa hor-u-socdka iyo u shaqeynta dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Hadalka Lugadheere ayaa ku soo aadaya xilli ay shalay Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, sheegeen in ay Xamse Cabdi Barre ku tuntay xuquuqda beesha ay ka soo jeedaan.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaan wali ka hadlin dhismaha Xukuumadda cusub, hayeeshee, Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ayaa u muuqda inuu ku hadlay afka Madaxweynaha oo ay isku beel ka soo jeedaan Ra’iisul Wasaaraha.

Inta badan hoggaanka maamullada ayaan laga talo-galin dhismaha Xukuumadda, mana jiro Madaxweyne Maamul Gobolleed oo soo dhaweeyay ama ka hor yimid magacaabidda Golaha Wasiirrda marka laga yimaado ku xigeennnada Jubaland iyo Galmuudg.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa horraanba muujiyay dagaal ka dhan ah Villa Soomaaliya, Madaxweynaha Koofur Galbeed, Laftagareen ayuu waagu ku baryay kadib guuldarradii Farmaajo, halka Qoorqoor xaalku ku xun yahay muuwqifkiisa caddayn.

KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.