Jubbaland oo DF eedeyn usoo jeedisay

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray eedeyn dusha kaga tuuray madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Jubbaland oo DF eedeyn usoo jeedisay

KISMAAYO, Soomaaliya - War qoraal ah oo si rasmi ah uga soo baxay Xafiiska Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa eed loogu soo jeediyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri "Dowlad Goboleedka Jubbaland waxay waxay aad uga xuntahay xaaladda murugsan ee muddada dheer ka jirtay Gobolka Gedo, taasoo caddeyneysa in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hay'adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo isticmaalaya magaca Qaranka Soomaaliyeed iyo hantida umadda Soomaaliyeed in ay colaad ka abuureen gobolka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, arrintaas oo muddo sanad ah taagneyd".

Warsaxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in Dowlad Goboleedka Jubbaland ay is difaaci doonaan, waxayna cawaaqib xumada ka dhalata eedeeda dusha ka saareen madaxda dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo.

Halkan hoose ka akhriso Warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.