KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ciyaartaas oo ka dhacday caasimada Nigeria ee Abuja ayaa waxa ay ku soo idlaatay 4-1 oo ay ku awood sheegaty kooxda martida loo ahaa ee Nigeria, taas oo layaab ku noqotay xulka awooda isbiday ee Argentina.
“Guuldaradii xulkeena kasoo raacday Abuja waxaa lagu tilaami karaa meel kadhac uu sameeyaay Sergio Batista ,”Julio Grondona ayaa ku waramay.
Isaga oo kawaramaya caasimada dalka Argentina ee Buenos Aires, ayaa ninka waqtiga dheer soo maamulayay xariirka kubada cagta Argentina ,Julio Grondona waxa uu shegay in natiijadii ciyaataasi aysan aheyn mid u cuntami karta reer Argantia.
"Nigeria oo ciyaartooy xul ah garoonka keensatay lagulama dheli karo ciyaartooy aan heer caalami aheyn," Julio Grondona ayaa sii raacsaday hadalkiisa,oo muujinayay in macalimka uusan xulan ciyartooydii loo baahnaa.
Keydmedia Sport
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.