Juxa: “Jimcihii Madoobaa ee Bannaan-bax nabadeed”

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid ‘Juxa’ ayaa ka mid noqday dadka caanka ah ee ka fal celiyay dhacdooyinkii Xamar ka dhacay xalay iyo saaka.

Warar Keydmedia Online
Juxa: “Jimcihii Madoobaa ee Bannaan-bax nabadeed”

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdi Faarax Siciid ‘Juxa’ wuxuu cambaareeyay hab-dhaqanka Farmaajo isagoo ku eedeeyay in uu xoog u adeegsaday dad shacab ah oo dhigaya bannaan-bax nabadeed.

"Jimcihii Madoobaa ee Bannaan-bax nabadeed iyo Beebee ciidan".  Ayuu ciwaaan uga dhigay qoraal yar oo Wasiir Juxe uuu ku soo qoray  bartiisa Facebook.

Juxa wuxuu Febraayo 19, 2021-ka ugu yeeray maalin ku astaysan caburin, dib u dhiska Dowladnimada Soomaaliya ayuuna sheegay in ay dib u dhac ku tahay waxa xalay iyo maanta uu Farmaajo sameeyay.

“Waa dhacdo foolxun oo ay tahay in la cambaareeyo. Waa maalin ku astaysan caburin, caga-juglayn iyo kelitalisnimo oo taariikhda dib-u-dhiska Dawladnimada Soomaaliya ku ah bar madow”.

“Waa dhacdo leh xasuus-taariikheed xun oo ay Soomaalidu kasoo kabanaysay”.

“Is-goyskan qallafsan waxa keli ah oo looga gudbi karaa wadatashi, talo-wadaag iyo ISU-tanaasul.  Xoog iyo xabad marna xal uma aha Dawlad-dhiska Soomaalida ee nuqul”. Ayuu yiri wasiir Juxa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.