Kaalinta UAE ee soo celinta askarta ku maqan Eritrea

Markii hore Qatar ayaa balan qaadey inay bixinayso qarashka lagu soo qaadayo Ciidanka.

Warar Keydmedia Online
Kaalinta UAE ee soo celinta askarta ku maqan Eritrea

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida Keydmedia Online ogaatey, dowladda Imaaraadka ayaa u sameysay MW Xasan Sheekh balan-qaad ku saabsan dib usoo celinta Askarta ku xayiran Eritrea, ee tababarka dhameystay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay sheegay in bishan qeybta ugu horeyso la keenayo dalka, inta dhimana bisha January 2023.

Ilo diblomaasi ayaa KON u sheegay inay Imaaraadka diyaaradaha lagu keenayo askarta qarashkooda daboolayso.

Waa 5,000 oo Askari oo dhalinyaro ah, kuwaasoo si qarsoodi ah Fahad Yasin u geeyay Eritrea 2019 iyo 2020.

Soo celintooda arrimo dhaqaale ayay intan usoo gaartay, waxaana ay kusoo aadeen markii tababarka dhameeyeen xili khilaaf siyaasadeed iyo mid doorasho dalka ka jireen.

MW Xasan Sheekh ayaa safarkiisa ugu horeeyay ku tagey Abu Dhabi June 2022, si uu u xoojiyo xiriirka Imaaraadka.

Qatar ayaa markii hore balan qaadey bixinta lacagta lagu soo celinayo askarta, balse diiday markii Farmaajo Villa Somalia baneeyay, oo looga adkasdey doirashadii May 15.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.