Kacdoon wadayaasha: Ma hakan doono

MUQDISHO(KEYDMEDIA) kacdoon wadayaasha Soomaaliyeed ee ka soo horjeeda heshiiskii gumeysi ee Kampala ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan kacdoonkooda xili labadii maalmood ee la soo dhaafay dad kale duwan xabsiyada loo taxaabay.
Warar Keydmedia Online

Qaar ka mid ah abaabulayaasha kacdoonka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in ay wadi doonaan kacdoonka ilaa si toos ah looga wada laabto heshiiskii Kampala ee ay soo saxiixeen shariifyada.

Waxa ay sheegeen kacdoon wadayaasha in ay soo dhaweynayaan hadalka R.wasaaraha ee ahaa inuu codkooda dhageysanayo isla markaana aanu is casili doono inta ay baarlamaanka ka meel marinayaan mooshinka ku aadan heshiiska.

WWW.KEYDMEDIA.NET

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.