Kalluumeysato dabeylo xooggan ku dileen Jubada Hoose

Maamulka Kismaayo ayaa dadka uga digay in ay Jillaab tagaan badda inta lagu jiro xilliga xagaaga ama inta laga gaarayo bisha sagaalaad ee sanadkaan, sidoo kale waxaa dhallinyarada lagu amray in ay ka fogaadaas oo aysan u dabaal tagin xeebaha Jubooyinka.

Warar Keydmedia Online
Kalluumeysato dabeylo xooggan ku dileen Jubada Hoose

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Jubaland ugu yaraan saddex kalluumaystao ah ayaa geeriyooday, kadib markii doonyihii ay saaarnaayeen ay qallibmeen dabaylo xooggan oo ka jira xeebaha koonfureen ee Soomaaliya awgeed.

Jallaabatadaan ayaa la sheegay in dabeyluhu ku heleen gobolka Jubada Hose, gaar ahaa inta u dhaxeysa Raas-kambooni iyo xarunta ku meel-gaarka ah ee Jubaland Kismaayo, halkaasna ay ku nafwaayeen xilli aysan helin wax gurmad bani’aadannimo ah.

Sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Kheyraadka Badda iyo Kalluumeysiga maamulkaas, dabeylo xooggan ayaa xilligaan ka jira xeebaha gobolka, kuwaas oo saameyn taban ku yeeshay, kalluumeysatada iyo ganacsiga Jasiiradaha.

Maamulka Kismaayo ayaa dadka uga digay in ay u Jillaab tagaan badda inta lagu jiro xilliga xagaaga ama inta laga gaarayo bisha sagaalaad ee sanadkaan, sidoo kale waxaa dhallinyarada lagu amray in ay ka fogaadaas oo aysan u dabaal tagin xeebaha Jubooyinka.

Wasaaradda Kaluumeeysiga ee Dowladda Federaalka ayaa sanad kasta xilligaan oo kale soo saarta digniin ku socota dhammaan kalluumeysatadda Soomaaliyeed maadaama la galay waqtigii bad xiranka  taasoo sababi karta in kalluumeeysatada wax gaaraan.

Maaxamed Bunni oo ah Wasiir ku xgeenka Wasaaradda Kheyraadka Badda iyo Kalluumeysiga Jubaland ayaa sheegay in xilligaan loo baahan yahay in Jallaabatadu ka feejignaadaan tagidda meelaha  fog-fog ee Badda gudaheeda, iyada oo aan wadan badbaadiye.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.