Kalsooni-siintii RW Xamsa oo dib u dhacday

Kulan la filayey inay maanta yeeshaan Golayaasha Baarlamaanka si ay codka kalsoonida u siiyaan Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa dib u dhacay, sabab la xariirta maqnaanshiyaha MW Xasan Sheekh.

Warar Keydmedia Online
Kalsooni-siintii RW Xamsa oo dib u dhacday

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay Keydmedia Online u sheegeen, xubno ka tirsan hab-dhowrayaasha Aqalka Hoose, qorshihii Baarlamaanka Soomaaliya maanta lagu hor geyn lahaa Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, si uu ansixinta wakiillada shacabka u helo ayaa baaqday.

Sababta baaqashada waxaa lagu micneeyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Golayaasha Baarlamaanka hor geyn lahaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyihii Golaha Shacabka Aadan Madoobe, ka maqan yihiin dalka, taasoo aan suura-gal ka dhigi weysay in maanta Xamsa la geeyo xarunta Villa Hargeysa.

Madaxweyne Xasan wuxuu socdaal shaqo ugu maqan yahay isku-tagga Imaaraadka Carabta, labo maalin oo booqashada loo qorsheeyay ayaa daba-dheeraatay, halka Guddoomiyaha Aqalka hoose Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe uu habeenkii 4-aad ku hoyday caasimadda Kenya ee Nayroobi. 

Xamse Cabdi Barre, ayaa dhawaan soo gabagabeeyay kulamo uu la qaadanayay Baarlamaanka 11-aad ee JFS, mana jirto cabsi ku aaddan in Ra’iisul Wasaaruhu waayo codka kalsoonida Golayaasha, waxayna xoguhu sheegayaan in billowga todobaadka soo aaddan RW Xamse la hor geyn doono Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha xilka ka soo degaya ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shalay guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirrada, taasoo muujineysa baahida loo qabo in waddanku yeesho Xukuumad cusub, maadaama ay tahay hay’adda fulinta maamulka ugu sarraya Dowladda Federaalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.