Kenya iyo Qatar oo wada hadal uga furmaya Doha

Qaar kamid ah Warbaahinta Kenya ayaa tabiyay in socdaalka Fred Okengo Matiang’i, uu la xiriiro in Kenya iyo Qatar ay kala saxiixan doonaan heshiis ku saabsan dhinacyada shaqada, beeraha iyo ganacsiga.

Warar Keydmedia Online
Kenya iyo Qatar oo wada hadal uga furmaya Doha

DOHA, Qatar - Dalka Qatar waxaa gaaray Xoghayaha Golaha wasiirrada dalka Kenya, Fred Matiang'i, si uu u gaarsiiyo farriin uu ka sido Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Qatar, ahna wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Sheekh khaalid Bin Khaliifa bin Cabdiaziiz Al Thaani.

Kulanka labada masuul oo gogol xaar u ah, arrimaha danta guud ee labada wadan ayaa ka dhacay caasimadda dalkaasi ee Qatar. 

Qaar kamid ah Warbaahinta Kenya ayaa tabiyay in socdaalka Fred Okengo Matiang’i, uu la xiriiro in Kenya iyo Qatar ay kala saxiixan doonaan heshiis ku saabsan dhinacyada shaqada, beeraha iyo ganacsiga.

Safarkan ayaa imanaya toddobaadyo kaddib markii Xoghayaha Golaha wasiirrada dalka Kenya, Fred Matiang'i, loo diray dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kula kulmay madaxda dalkaas.

Safarkaan Doha uu ku gaaray xoghayaha golaha wasiiradda Kenya ayaa imaanaya, xilli la filayo in 12 ka bisha soo socota ee Octobar Maxkamadda ICJ ay ku dhawaaqdo xukunka dacwadda muranka baddeenna ee Soomaaliya kala dhaxeeya Kenya, oo ay ku dooneyso inay ku xalaaleysato biyaha badda Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa xiriir dhaw la leh Fahad Yaasiin iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo, sannadkii 2020-kii Qatar waxay si dhow ugu lug lahayd arrimaha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo dowr ka qaadatay in Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay heshiiyaan, si ay usoo celiyaan xiriirkoodii diblumaasiyadeed ee xumaaaday.

Horay Qatar waxay ugu guuldareysatay inay heshiis ku aadan muranka badda kala dhex dhigto Soomaaliya iyo Kenya. 

Qatar ayaa dan weyn ka leh shirkadda Saliidda Talyaaniga ee Eni oo sahamin ka wadday meelo kamid ah baloogyada ku yaal dhulka lagu muransan yahay ee Soomaaliya iyo Kenya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.