Kenya oo joojisay diyaaradaha ka imaanaya Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa soo saartay warqad ay ku caddeyneyso in ay joojisay dhammaan diyaaradaha waddankeeda uga imaanaya Soomaaliya ilaa bisha siddeedaad ee sanadkan.

Warar Keydmedia Online
Kenya oo joojisay diyaaradaha ka imaanaya Soomaaliya

NAIROBI, Kenya - Dowladda oo Kenya oo ka jawaabeysa go'aankii shalay kasoo baxay hay'adda duulista rayidka Soomaaliyeed ee lagu joojinayay qaadka dalka Kenya ee la geeyo Soomaaliya ayaa soo saartay go'aan kale oo kaas u noqonaya jawaab.

Kenya waxay sheegtay in dhankeeda ay joojisay dhammaan duullimaadyadii Soomaaliya ay lalaheed, iyadoo u yeertay dhammaan shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya Soomaaliya kuwaasoo dhammaantood ka diiwaan gashan waddanka Kenya.

"Wax diyaarad ah oo Soomaaliya nooga imaan kara malahan, illaa bisha sideedaad ee sanadkan (August)" sidaas waxaa tiri Kenya oo warqad faafin deg-deg ah kusoo saartay xaaladda adag ee dalkeeda kala dhaxaysa Soomaaliya.

"Majirto diyaarad ka baxaysa Xamar oo tagaysa Nairobi, mana jiri doonto diyaarad Kenya kasoo baxaysa oo Soomaaliya imaan doonta, sida Kenya ay sheegtay.

Dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddo shan bil ah xiriirkoodu xumaa, waxaana dhawaan labada dhinac ay xaqiijiyeen in ay dib usoo celiyeen xiriirkii ka dhaxeeyay, iyadoo haatan uu u muuqdo mad-madow hor leh oo soo kala dhex galay labada waddan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.