Kenya oo gacanta ku dhigtay nin uu raadinayay Mareykanka

Sida ay sheegtay waaxda Duurjoogta Mareykanka, Axmed iyo la-hawlgalayaashiisa waxa ay si sharci darro ah u ugaarsadeen in ka badan 35 Wiyil iyo in ka badan 100 Maroodi, maxakamad ku taalla Koonfurta New York, ayaana amartay soo qabashadooda.

Warar Keydmedia Online
Kenya oo gacanta ku dhigtay nin uu raadinayay Mareykanka

NAIROBI, Kenya - Hay’adda danbi baarista Kenya ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay Cabdi Xuseen Axmed oo loo yaqaan Abu Khaadi oo ah eedeysane si weyn looga baadi goobayay dalka Mareykanka, loona heysto ka ganacsiga duurjoogta iyo daroogada.

Mareykanka ayaa bishii Abriil 2022, madaxa Abu Khaadi dul dhigay lacag dhan 1 milyan oo doolar oo la siinayo qofkii soo sheega halka uu ku sugan yahay, waxaana laga soo qabtay magaalada Maua ee ismaamulka Meru, halkaasoo in muddo ah uu ka deganaa qol kiro ah.

Axmed oo ay wehliyaan ragga kala ah; Moazu Kromah, Amara Cherif, iyo Mansur Mohamed Surur, ayay Dowladda Mareykanku ku eedeesay in ay ka ganacsadaan geesaha Wiyisha iyo Faanta Maroodiga oo labaduba ah noocyada duurjoogta ah ee sii dabar go’aya lana ilaaliyo.

Kenya waxaa bishii May loogu qabtay Badru Cabdul Casiis Salax, oo isna 1 milyan oo doolar madaxiisa saarneyd, kaasoo oo sida Axmed muddo ku dhuumaaleysanayay dalkaas, markii la qabanayay wuxuu u socday Soomaaliya, ugu danbeynna waxaa loo gacan galiyay USA.

Markii la qabtay waxay ahayd afar maalmood uun ka dib markii Agaasinka Danbi barista ee Kenya iyo Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay soo bandhigeen sawirkiisa, kaas oo si weyn loogu faafiyay warbaahinta, taasoo ku qasabtay inuu u baxsado dhanka Soomaaliya.

Sida ay sheegtay waaxda Duurjoogta Mareykanka, Axmed iyo la-hawlgalayaashiisa waxa ay si sharci darro ah u ugaarsadeen in ka badan 35 Wiyil iyo in ka badan 100 Maroodi, maxakamad ku taalla Koonfurta New York, ayaana amartay soo qabashadooda.

Laga soo billaabo December 2012-kii ilaa bishii May ee 2019-kii, Cabdi iyo nimanka la shaqeynayay waxa ay dhoofiyeen ama iibiyeen ugu yaraan 190 kiilo oo geesaha Wiyisha ah iyo ugu yaraan 10 tan oo foosha Maroodiga ah oo ay ka qaadeen dalal ka tirsan Afrika.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.