KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Qarixii maanta oo ka dhacay Kaniisad lagu magacaabo St. Polycarp ACK oo ku taala Xaafada Islii, ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku dhintay hal Cunug, 5 kalenah waa dhaawacmeen, sida ay shaaciyeen saraakiisha dhanka caafimaadka.
Moses Nyakwama oo ah Taliyaha Ciidanka booliska Kenya ayaa sheegay in ruuxa geeriyooday iyo kuwa dhaawacmayba ay ahaayeen caruur yar yar kuwaasoo wax kabaranayay Kaniisada la weeraray.
Moses ayaa sheegay in qaraxaasi ay aaminsanyihiin inay ka dambeeyeen kooxda Shabaab oo dhowr jeer oo hore qaraxyo ka fulisay gudaha dalka Kenya.
Shalay ayay ahayd markii Ciidamada amaabka ee dalkaasi Kenya ay gacanta ku dhigeen inka badan 7 qof oo isugu jira Soomaali iyo Kenyaan.
Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.